Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shirka Maalgashiga iyo dib u dhiska Soomaaliya oo maanta lagu soo gabagabeynayo magaalada Nairobi

$
0
0

 

Nairobi(RBC Radio) Shirkii looga hadlayey maalgashiga Soomaaliya oo maanta galay maalintii labaad ayaa ka soconaya magaalada Nairobi waxaana lagu wadaa in maanta galinka danbe  lasoo gabagabeeyo,shirka oo ay ka qaybgalayaan 55 shirkadooda oo iskugu jira Soomaali iyo Ajaanib kuwaas oo u hanqal taagaya iney dalka ku samaystaan maalgashi iyo madax ka socota dowlada Soomaaliya.

Safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Ameerika oo ka mid ahaa masuuliyiintii shirka ka qaybgalay ayaa sheegay in shirkaasi ay ka qaybgalayaan shirkado badan oo iskugu jira Soomaali iyo Ajaanib kuwaas oo dhammaantood ku han weyn iney maalgashadaan dalka Soomaaliya.

Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay iney ku rajo weyn yihiinj in shirkaas ay kasoo baxaan go’aano wax ku ool ah oo dib loogu dhisayo dalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay ballan qaaday in dhanka amniga ay xil weyn iska saari doonto isla markaane ay u sahli doonto shirkadaha doonaya iney maalgashadaan Soomaaliya tasiilaadka ay u baahan yihiin oo ay ka mid tahay fududeynta  dal ku galka.

Qaar kamid ah shirkadaha kasoo qaybgalay shirkan ayaa soo bandhigay waxqabadkooda iyo waxyaabaha ay doonayaa iney ka fuliyaan gudaha Soomaaliya ee la xiriira dhanka dib u dhiska iyo maalgashiga kale ee lagu hormarinayo dalka oo burbursanaa muddo 22 sano ah.

Wasiirka ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Axmed Xasan oo shalay hadal ka jeediyey shirkan ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay wadan xudun u ah ganacsiga gobolka iyo guud ahaan caalamka,wuxuuna tilmaamay in maalgashiga dalka ay ka  wada faa’iideysanayaan shirkadaha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed.

 

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles