Beled-xaawo(RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku waramaya in halkaas uu xalay ka kacay dab baaxad weyn oo khasaaro hantiyeed oo fara badan geystay dabka ayaa lasoo sheegayaa inuu ka kacay bartamaha suuqa ganacsiga ee degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.
Dabka ayaa waxaa ku basbeelay in kabadan 10 bakhaar,Kaalin Shidaal, xarunta shirkadda Mustaqbal iyo dukaamo yar yar oo ku hareera yaallay,ilaa hadda si sarmi ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay tirakoobka Khasaaraha Hantiyeed ee ka dhashay dabkaasi xalay ka kacay bartmaha suuqa ganacsiga magaalada Beled-xaawo.
Dadbka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay Makhaayad Mac-macaanle ah oo ku taalla bartamaha suuqa degmadaas ,shacabka ku dhaqan degmada Beled-xaawo oo aan u kala harin ayaa u gurmaday daminta dabkaas,shacabka ayaa u adeegsanayey daminta dabka biyo, iyo Carro (ciid) ay ku shubayeen halka uu dabku ka hurayey,maadaama aysan magaaladu lahayn gaadiidka dab damiska.
Dabka oo bilowday 9:30 habeenimo ayaa waxaa lagu guuleystay damintiisa 1: saqda dhexe ee xalay,maamulka degmada ayaa ka qaybgalay daminta dabkaas,waxaana la arkayey ciidamada booliska maamulka beled-xaawo oo xaqiijinya amniga goobta uu dabku ka kacay si ay uga hortagaan in goobta ay ka dhacdo Bililiqo loo geysto hantida ka badbaaday dabkaas.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho