Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shir looga hadley xaaladaha taagan ee ka dhax aloosan dawladda federaalka iyo dawlad-goboleed Jubbaland oo kismaayo ka dhacey

$
0
0

Kismaayo[RBC Radio]Shir ballaaran oo ay ka qaybgaleen qaybaha bulshada ee gobollada Jubbooyinka ayaa maanta ka dhacay xarunta Jaamacadda ee magaalada kismaayo kaasoo looga hadlay arrimo badan oo quseeya xaaladaha taagan ee ka dhax aloosan dawladda federaalka iyo dawlad-goboleed Jubbaland.

Shirka oo lagu marti-qaaday odayaasha dhaqanka, nabaddoonnada, waxgaradka, ururada bulshada rayidka ah ayaa si gaar ah loogu lafoguray qaabkii lagu unkay maamulka Jubbaland, lana sharraxay sharci ahaansha natiijadii ka soo baxay lagu doortay m/weyne Axmed Madoobe.

Ka qaybgalayaasha ayaa sheegay maamulku in uu yahay mid loo dhan yahay, kuna yimid rabitaanka ummadda, dhinaca kale dawladda ayey sheegeen in ay u aqoonsan yihiin dawladdii dhexe ee dalka, ayna hoos tagaan.

Indheergaradku waxay ka digeen dhibaato colaadeed oo ka dhacda Jubbaland, iyagoo dawladda u soo jeediyey in ay ka dheeraato waxkasta oo fidno abuuri kara, ayna ciyaarto kaalinteedii dawladeed ee sharci u fasaxayey.

Kulamadaan ayaa ku soo aadaya iyadoo wali dowladda dhexe ay ku tagantahay mowqifkede did ma da ah ee maamulka Jubba-land.

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles