Kismaayo(RBC Radio) Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka hadlayey waftiga wasiirada ah ee ka socda xukuumadda Soomaaliya ee maalmihii danbe ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ayaa si cad u sheegay iney iyagu u diideen wasiirada dowladda Soomaaliya iney gudaha u galaan magaalada Kismaayo ee xarun goboleedka Jubada hoose.
“Kismaayo maaha meel la iska galo,waxaa ka jira maamul” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo si kulul u dhaleeceeyey aragtida dowladda ee Jubooyinka,wuxuuna shaaca ka qaaday in waftigani ay ka dhoofi karaan garoonka isla markaane ay ku laaban karaan gudaha magaalada Muqdisho oo ay markii hore kasoo kicitimeen balse aysan marne ogolaan doonin iney gudaha u galaan magaalada Kismaayo.
Fartaag ayaa si cad u sheegay iney tallaabo adag oo uusan sheegin ay ka qaadi doonaan ciddii danbe ee iska soo gasha magaalada Kismaayo iyada oo aan soo ogeysiin maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe oo uu sheegay inuu yahay maamulka saxda ah ee masuulka ka ah goboladaas.
Saraakiisha ciidanka Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waftiga dowladda ee gaaray Kismaayo u sheegay ineysan masuul ka ahayn sugida amnigooda hadii ay gudaha u galaan magaalada arintaasi oo uu si caro leh uga hadlay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in ciidanka Kenya ay hareer mareen howshii ay dalka u yimaadeen xilli uu ka qaybgalayey shirkii midowga Afrika ee ka kusoo gabagaboobay magaalada Addis ababa ee dalka Ethiopia.
RBC Radio