Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Banaadir oo shacabka ka dalbaday iney u hogaansamaan awaamiirta maamulka gobolka

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ka dalbaday iney u hogaansamaan awaamiirta ka soo baxday maamulka gobolka Banaadir ee lagu duminayo guryaha sharci darrada ah ee laga dhisay wadooyinka magaalada Muqdisho gudoomiye Tarsan oo warbaahinta kula hadlay gudaha suuqa Bakaaraha xilli ay halkaas ka socotay hawl lagu burburinayey dhismayaasha sharciddarada ah ee ka dhisan jidadka suuqaas ayaa shacabka ka cosaday iney maamulka gobolka kala shaqeeyaan burburinta goobaha sharci darrada ah.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ugu baaqay dadka guryahooda la calaameeyey ee loo sheegay iney jabiyaan iney u dhega nuglaadaan amarkaas,wuxuuna tilmaamay ineysan ahayn arin wanaagsan in la dhisto jidadka oo ah dan guud,Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in ciddii iska dhega tirta amarkaas ay guryaha la calaameeyey ay dumin doonaan.

“ciddii gurigeeda la caalaameeyey waa iney u hogaansantaa amarka oo ay dumiyan inta sharciga darrada ah ee ay guryahooda,hadii aysan fulin arintaas maamulku cagaf ayuu galin doonaa,hadii uu gurigiisu ka wada dumo maamulka gobolku eed kuma laha”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Tarsan ayaa ku celceliyey iney jabin doonaan dhammaan dhismayaasha sharci darrada ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho,wuxuuna dhanka kale xusay in shacabka reer Muqdisho ay si weyn usoo dhaweeyeen tallaabada uu maamulku ku burburinayo dhismayaasha sida sharci darrada ah usoo galay wadooyinka.

 

 

RBC Radio

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles