Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20199

Shir caalami ah oo looga hadlayo in caalamku uu maalgashado Soomaaliya oo maanta Nairobi ka furmaya

$
0
0

 

Nairobi(RBC) Shirkan  caalamiga ah oo ay ka qaybgalayaan shirkado fara badan oo ka socda ilaa 50 dal oo looga hadlayo sidii caaalamku u maalgashan lahaa dalka Soonaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgali doona madax sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka maanta ka furmaya magaalada Nairobi ayaa waxaa looga arinsanayaa sidii caalamku uu u maalgashan lahaa Soomaaliya isla markaane ay kaalin weyn uga qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka Soomaaliya oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay,waxaana shirka ka qaybgalaya Maalqabeeno, shirkado iyo dowlado daneynaya iney maalgalin ku samaystaan dalka Soomaaliya.

Shirka looga hadlayo maalgashiga Soomaali oo socon doona muddo 2 maalmood oo xiriir ah  ayaa waxaa loogu magac daray “dhisitaanka Mustaqbalka Soomaaliya” waxaana  diirada lagu saari doonaa dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka,sida tamarta,horumarinta beeraha,dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Shirka ayaa marka uu soo idlaado ayaa waxaa lagu wadaa in shirkadaha caalamiga ah ay dalka ka bilaabaan mashaariicda maalgashiga oo la aaminsan yahay in dad badan oo Soomaaliyeed shaqooyin ka heli doonaan,taasoo wax badan ka bedeli doonta dhaqaale xumida ka taagan dalka oo keentay in dhalintii Soomaaaliyeed ay dalka ka hayaamaan una bareeraan tahriibta oo ay kala kulmaan dhibaatooyin aan lasoo koobi karin,halka qaarne ay ka mid noqdaan dagaalada dalka ka socda.

Shirkadaha caalamiga ah ayaa si weyn u danaynaya iney maalgashi ku samaystaan dalka Soomaaliya oo ka mid ah wadamada hodanka ah balse safka hore kaga jira wadamada ugu dhaqaalaha liita caalamka waxaana loo aaneynayaa arinkaas ineysan Soomaalidu ka faa’iideysan khayraadka Ilaah ku mannaystay dhulkooda.

 

 

RBC Radio

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20199

Trending Articles