Kismaayo (RBC Radio) Afhayeenka Jubbaland ee waqooyiga Ameerika ayaa dhaliilay qaabka ay dowladda Fedraalka ay u wajahday gobalada Jubbaland.
Mar wax laga weydiiyey qoraal ay dhawaan soo saareen gudi xaqiiqa raadinta aheyd ee IGAD u soo dirtay Jubooyinka ayaa waxa uu yiri.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
“IGAD Soomaaliya aad bey u caawisaa waana soo dhaweyneynaa laakiin waxa laga yaabaa in aysan xog ogaal ka aheyn waxyaabaha hoose ee Soomaaliya ka jira waxaana moodaa hadii ay xog ogal tahay in ay iska indha tireyso waxyaabo badan oo kamid tahay maamul u sameynta Jubooyinka …… heshiiska waxaa kamuid ahaa in in labo gobol iyo wixii ka badan in ay sameesan karaan maamul maamulkoodana in ay xor u yhiin ayna hoos yimaadaan Dowlada Fedraalka ah”
Afhayeenka Jubbaland Cabdikariim oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri.
“Dowlada waxa ay ku xadgudubtay Fedraalnimadii waxa ay rabtaa in ay iyadu sidii dowladihii hore ee Fedraalka aheyn ay wax walba ay hogaanka u qabato, maamulkii ay dadka soo doorteen sida ka Jubooyinka ee uu hogaaminayo Axmed Madoobe ayey carqalad galinayaan oo waxaad moodaa in xaalad ka abuurayaan Jubooyinka qasatan Magaalada Kismaayo”
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Mar wax laga weydiiyey waqtiga ay soo dhameysti doonaan xukuumada ayaa waxa uu ku jawaabay
“Doodo badan iyo abaabulo badan ay qolodaan dowlada ay nagu fureen oo dowlada laftigeeda ay qos iyo wareer ka wado kismaayo waxaan dooneynaa in aan waqti siino oo dadka Kismaayo degan ay iyaga waxooda ay sameestaan dowladana kala hadlaan maamulka cusub ee madaxweynaha ka yahay Axmad Madoobe ayaamaha nagu soo aadan waa la dhameystiri doonaa”
Afhayeen Wagaafe ayaa ku micneeyey Madaxweynayaasha looga dhawaaqay Kismaayo in ay yihiin mucaarad oo aysan aheyn madaxweyne.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
“Horta cid aan mucaarad laheyn ma jirto caalamka cid walba waa mucaarad ama muayid, nimankaas waa niman mucaarad ah waana niman dadka deegaanka ah ka dhashay waxaana u aragnaa niman mucaaradnimo isku magacaabay mana ahan niman hor istaagana maamulka Jubbaland”
“Dadka deegaanka waa ay ka feejigan yihiin abaabulda hoose ee Muqdisho ka imaanaya iyo kuwa ka imanaya nimanka dagaalka nalaga dhexeeya ee Al Shabaab oo laftirkooda lug ku leh in ay qas ka sameeyaan meeshaan, waxaanu leenahay in ay qaska ka joojiyaan kismaayo doonina meyno in aan dhibaato u geysano waana soo dhaweyneynaa cidii wax ka maqan laga heysto in ay ka hadasho”
Dhaliisha ay xildhibaanada qaar u jeediyeen AMISOM ta Kismaayo ku sugan ayaa waxa uu ku sheegay in ay tahay mid aan laga firsan.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
“Waa wax lagu qoslo in cid Xildhibaano ah ama Maamulka dowlada ka tirsan oo wasiiro ah ama Madaxweynaha laftirkiisu oo hada ka hor idaacada ka yiri hal reer baa Kismaayo wax ka dhisanayo ka xishoon waayey xataa kuwa R/Wasaaraha iyo golihiisa wasiirada , baarlamaanka ku jira beesha uu sheegayo weeye”
“Dagaalka Al Shabaab lagula jiro maahan mid Soomaali wax ka qaban karto kuwa Xamar joga iyo kuwa Kismaayo jooga ciidamada AMISOM waa isku mid waa nimankii halkaan ka saaray cadowgii Soomaaliya, waa niman guryahoodii iyo carurtoodii uga so tagay in ay Soomaaliya caawiyaan oo dowlad Soomaaliyeed ka dhalato, hadii aniga wixii aan wato la igu raaci waayo dadkaan ceynaya iyo oo dowlado dariska ah baan dhibaato u geysanayaa xildhibaanada iyo kuwa dhahaya mooshin baanu keyneynaa madaxweynaha iyo dhamaatood waa ay ku ceebeysan yihiin”
“Xildhibaanada uu Xoosh kamid yahay maba imaadeen hadii aysan joogin AMISOM marka NIN AAD NI KU TAHAY NIN LA ISAGAMA DHIGO ayey Soomaalidu dhahdaa”
Mudane Cabdikariim Wagaafe oo ka ahdlaya Dowlada Fedraalka ay dalka oo idil ay xaq u leedahay in looga danbeeyo ayaa waxa uu ku jawaabay.
“Dowlada xaq wey u leedahay madaxweyne Xasan waxaa lagu soo doortay in Soomaaliya uu madaxweyne u yahay dastuurkana uu u hogaansamo…. dowladaa majaro habaabiin ayey ka wadaan Kismaayo”
Ugu danbeytii ayaa afhayeenku ku baaqay in colaada laga hurinayo Jubbaland la joojiyo.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
“Anaga dowladaan taageersan nahay. Nin ku taageersan colaad iyo shido lagumo qaado ninkii ku diidan baa laga horyimaadaa…. waana in sidii saxda aheyd ay dowlada noola shaqeyso reer jubbaland na waxaan ugu baaqayaan in walaaltinimada iyo daris nimada iyo wax qeybsiga ay nidaamka ay ilalaiyaan”