Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Arimaha Amniga, Dhaqaalaha, Federaalka, iyo Asxaabta Badan ee Puntland. (Dhageyso)

$
0
0

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

Garoowe( RBC RADIO) Kulan Gelinkii Dambe ee Maanta ka dhacay Xarunta CIlmi Baarista ee Puntland (PDRC) Socdayna ilaa Fiidkii Caawa   ayna ka qayb Galeen Madaxweynaha Puntland iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo Madaxweynaha Su’aalo laga weydiinayay Xaalada Puntland iminka ay ku sugantahay iyo Xaalada siyaasadeed ee Dalka iyo Arimaha federaaliisimka ayuu Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay kuna dheeraaday Arimaha Amaanka Puntland, Dhaqaalaha, Federaaliisimka, iyo waliba Asxaabta badan ee Puntland la doonayo in laga dhaqan geliyo.

Amaanka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay In Amniga Guud ee Puntland uu wacanyahay inkastoo ay jiraan Dilal loo geysto Culumada Siyaasiyiinta iyo Dadka haldoorka ah hadana Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Falalkaasi ay ka dambeeyaan Dad cadaw ku ah Hormarka Puntland wuxuuna u mahadcelshay Ciidanka Amaanka iyo Madaxdooda kuwaasi oo u heelan buu yiri Difaacida Deegaanada Puntland.

“Sidaad la socotaan 2010kii waxaan Buuraha Gal-Gala kula dirirnay Argagixisada Alshabaab oo aan uga itaal roonaanay waxaan kaloo ka sifeenay gaalkacyo waana sii wadi doonnaa,waxaa dalka ka jira Colaado Siyaasadeed,Argagixiso,Mid Burcadbadeed oo ay Tahriib Wehliso waxaanse xooga saartay dhanka Dhisida Ciidan Cudud leh maantana Puntland waa isaga filantahay cidii soo haweysata Caalamkuna wuu ku Amaanay Puntland Hormarka ay ka gaadhay Sugida Amnigeeda,la dagaalanka Alshabaab iyo Joojinta Burcadbadeeda iyo Tahriibta Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 Nidaamka Asxaabta Badan.

Madaxweyne C/Raxmaan faroole wuxuu xusay in Nidaamka Asxaabta badan ee Puntland in uu yahay mid gabagabo ah lana filayo in 15ka July ay qabsoonto Doorashooyinka Golaha Deegaanka,Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dadka Puntland ay tahay Wax ku Cusub Doorasho in la galo laakiin ay la qabsan doonaan, sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Isha ay u Macalin tahay wax yaabaha ay xukuumadiisa Qabatay isagoo sheegay in aysan waxba ka tareyn wax qabadkiisa dadka qayla dhaanta wada ayna yihiin kuwo Horay Hogaanka Puntland loogu aaminay waxna soo kordhin waayay sida uu yiri Madaxweynuhu .

  Dhaqaalaha.

 Madaxweyne C/Raxmaan wuxuuCarabka ku  dhuftay Arimaha Dhaqaalaha Puntland wuxuu sheegay in Kubuc Dhaqaale uu jiro lagana dareemayo Deegaanada Puntland sida dhismayaasha ganacsiga iyo Hormarka Baahsan, Madaxweynuhu wuxuu sheegay Canshuuraha ay Dowladu qaado in lagu kabo Arimaha Waxbarashada Caafimaadka, Shaqasiinta, Dib u dajinta iyo waliba Amniga wuxuuna soo hadal qaaday shaqaalaha Mushaarkooda Doolarka laga dhigay wuxuu kaloo Carabka ku dhuftay in Ciidanka Mushaarkooda la siiyay iyo ka hadalka Sababta dib u dhigtay Lacag Cusub oo dalka la keeno .

“ Danta ayaa nagu kaliftay in aan Doolarka ku siinno shaqaalaha Mushaarkooda waana Duruuf laga gudbi doonno, wax badan ayaan talaabadan ka fikirnay, sidaad la socotaan markaan xilkan la wareegeenay halka Doolar waxaa lagu Sarifan Jiray 39kun oo Sh,Soomaliga ah arintaasi waan la tacaalnay oo Satalka ayaan keennay Sicirka mase dhicin in wax walba ay sidooda ahaadaan.tan kale Dowlada Soomaliya waa laga kari waayay aan Lacag Sameysanno oo wey ka gaabiyeen arintaasi aad baana uga xumahay, hadii Arintan ay sii socoto Go’aan ayaan ka qaadaneynaa sidaana waxaa yiri Madaxweyne Dr C/Raxmaan.

 Arimaha Federaaliisimka.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

Madaxweyne faroole Mar uu ka hadlayay Arimaha federaaliisimka wuxuu sheegay in Puntland Markii la dhisayay 1998dii Go’aan lagu gaaray In Maamul la Sameysto aanse Soomaliya laga tagin laakiin wuxuu iftiimiyay in Arintaasi Puntland ay Hawl badan ka qabsatay taasoo ahayd in shirar Badan oo Arimaha Soomaaliya looga hadlayo lagu qabto Garoowe iyo Gaalkacyo oo Qarash badan uu ku baxay Umada Soomaaliyeedse loogu daneenayay sida uu Madaxweynuhu yiri hase ahaatee ay ka dambeesay balan ka bax iyo ku xadgudub dastuur oo aan cidina loogu aabay yeelin .

“waxaan soo dadaalnoba waxaa hada la gaaray Go’aan aan ku habooneen umada Soomaaliyeed 33 qodob ayaa laga badalay Dastuurka Soomaliyeed iyadoon Cidina lagala tashan Baarlamaanka ayaana la horgeeyey oo la yiri Aqriya waakan Dastuurkiiye waxaan leenahay taasi Cadaalad maahan ee yaan Colaad horleh Gurbaanka loo tumin Madax adeega ay Dowladu wado waa mid dhalin karta Dagaal sokeeye alle ayaanse ka magan Galnay waxaan leenahay Xaalada dhabta ah ee dalka ka taagan yeeysan Dowladu iska dhaga tirin waxa ay wadana cidi ka yeeli meyso ee dhabta haleysuguyimaado, Jubbaland waa Xaq waana Taageersan nahay ayuu Yiri Mudane faroole.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

Madaxweynaha Puntland Dr faroole ayaa Su’aalo badan oo ku saabsan dhinacyadii uu ka hadlay ka jawaabay taasoo ay weydiiyeen dadkii kasoo qayb galay Dood Wadaaga waxaana Madasha ka muuqday in Xukuumada Puntland ay u jajaban tahay aruurinta Ra’yiga Bulshada oo markii hore ay ka mashquulsanayd sida ay Raxan-Reeb u sheegeen dad ka mid ah kuwii kasoo qayb galay Kulanka wuxuuna noqonayaa Dood wadaagii 2baad ee uu Madaxweynaha kala Qayb galo Bulshada Puntland kana dhacda caasimada Puntland ee Garoowe tan iyo intii la doortay.

RBC RADIO

 Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles