Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Af-hayeenka Ciidamada Kenya Bogeta Ongeri: Waa arrin layaab igu ah hadakii ka soo baxay madaxweynaha Soomaaliya

$
0
0

Ciidamada Kenya ee kusugan gudaha Kismaayo ayaa markii ugu horesey ka jaawabey hadal ka soo yerey madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud isagoona dhaleecen dosha usarey ciidamada Kenya ee howllgalada nabad illaalinta kawada magaaladda Kismaayo.

Af-hayeenka Ciidamada Kenya Bogeta Ongeri ayaa sheegey in wax layableh ay ku noqotey hadalkii madaxweynaha sida uu sheegey,waxana uu intaa ku darey inaysan ciidamadooda ahyen waxa lagu tilmaamay.

 

“Ciidamadenu ma ahaa waxaa lugu tilmaamay waxana jir hal arrin oo ah oo naloo igmaday ayaa jirta taasi oo ah mid cad laga bilaabo taliska sare ilaa ciidamada furinta jooga.”waxaa intaa hadalkisa ku soo qadey isgoo waraysi gaar ah sinayey laanta af Soomaaliga ee VOA af-hayeenka Ciidamada Kenya Bogeta Ongeri.

Sidoo kale  Bogeta Ongeri madxaweyna oo sheegey  ciidankoodu ay diideen inay ilaalo siiyaan ergada dawladda ee dhowaan tagtay Kismaayo  waxana uu arrinta ku tilmaamey waxbakama jiran isagona u sabbabeyey inay wafuud kala gadisan oo dowladda ka socota inay yimaaden Kismaayo oo uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon isgoona sheegey inay iyagu amniga sugayen.

Waxaa kalo uu soo hadal qadey in xubno badan oo xiliyo kala gadisan yimid Kismaayo inay iyagu isku xilsaaren inay iyagu sugan ammaankooda balse madaxweynu sheegey inay diiden tasi waxaa uu ku sheegey inaysan jirin.

Ugu danbenti af-hayeenka Ciidamada Kenya Bogeta Ongeri ayaa si cadd u sheegey inay san jirin inay gacmaha lagaleen siyaasada ka tagan Kismaayo walow uu sheegey inay marwalba ku dadaalan sidii ay ugu fogan lahayen inay wax saamen ah ama shaki uu kaga yimado inay iyagu dhinac taagerayan,waxaana uu inta ku darey in howllaha Kismaayo  ay ka fulinayan inay wargaliyan taliska Muqdisho.

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles