Addis Ababa[RBC Radio]Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeedinayey shir-madaxeedka Midawga Afrika ee Addis Ababa ayaa dhaliiley ciidamada Kenya ee qeybta ka ah kuwa AMISOM oo xiligaan ka howllgala magaaladda Kismaayo.
Xassan Sheikh Maxamuud ayaa sheegey in ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan inay diideen inay sugaan ammaanka xubno ka socday dowladda oo gaadhay magaalada Kismaayo,isagoona walaac ka muujiyey arrimahaasi.
“Annagu dhinacayga ma jirto wax an andaco ah oo aanu ka qabno Kenya, laakin qayb ka mid ah ciidamada xubinta ka ah AMISOM ayaa si khaldan u dhaqmay waxaanay hareer-mareen hawshii loo igmaday .”Madaxweynaha ayaa inta ku yiri hadalkisa.
Sidoo kale isagoo hadalkisa sii wata ayuu madaxweynuhu tilmaamey in arrimahaan uu wada xaajod kala galay islamarkana kala hadley madaxda ururka Midawga Afrika kuwaaso uu u sheegey inay sida ugu macqulsan inay arrimahan wax ugala qabanayaan.
Madxaweynaha sidoo kale waxaa uu caddeyey in dowladdisu ay leedahay qorshe cad oo ku aaddan dib u dhiska waddanka iyada oo la samaynayo maamulo Kumeel gaadh ah, waxana uu oga mahadceliyey urur goboleedka IGAD dib u dhiska Soomaaliya iyadoona IGAD ay xubin katahay dowladda uu madaxweynu usoo jeediyey eedenta ee Kenya.
Intaas ka dib waxaa uu sheegey inay jiraan xubno Kismaayo joogta oo iskood go’aan u gaadhay,waxana uu ku wa ku timaamey inay yihiin dad Soomaali ah waxana uu sidoo kale bidhaamiyey inay yeelan karaan aragti u gooni ah,lakin waxaa uu caddeyey in arrinta kaliya ee maanta Soomaaliya muhiim u ah inay tahay jiritaanka dawlad Federaal ah oo ay dadka soomaalida ah oo dhani leeyihiin sida uu hadalkisa ku caddeyey.
Waxaa ugu danbentii uu hadalkisa ku soo xirey Xassan Sheikh in muhiimadoda ay tahay sidii amni ay ugu dhigi lahayeen guud ahanba dalka isla markana gacantoda ay ugali lahed gobolada dalka iyo degmaayinka oo idil kuwaso qeybo ka mid ah ay kataliyaan alshabaab.
Iimana Maxamed Jaamac
RBC Radio