Socdaalka Saacid: waa talaabadii uu ka bilowday hayaankii dheeraa!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Maarso 14 2013
Waxaan marka hore rajayniyaa heshiiska Dowladda Federal-ka Soomaaliya iyo Puntland inuu noqdo mid taabo gala, waxaana ii muuqda taabo geliddiisu inay suuro gelinayso inay furmaan irrado badan oo meesha ka saari kara madmadow faro badan oo ku gadaannaa is fahamaka guud ee dadka Soomaaliyeed, waxaana hubaal ah talaabada manta ay labada dhan qaadeen inay noqon karto talaabadii uu ka dhashay socodkii dheeraa ee qaranimmada Soomaalieed loogu hayaami lahaa.
Wax kasta oo tuhun ah oo aan qabnay waxay ka hoos mareen oo qariyay hashiiska ay wada gaareen dowladda federal-ka Soomaaliya (DFS) iyo Puntland, waana wax iska caadi ah in haddii uu ilayska soo gaaro meel mugdi ah uu suulo gudcurka, heshiiskaan wuxuu siyaabo badan meesha uga saaray madmadow jiray, wuxuuna noqonayaa heshiiskii ugu horaysay ee ummadda Soomaaliyeed ay ku tijaabinayso inta ay la egtahay xil-kasnimmada mas’uuliyiinta hoggaaminaya siyaasadda dalka.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax SHir-Doon (Saacid) iyo Xubnihii la socday waxay si geesinimo leh u xaqiijiyeen inaan look ala turjumin iyaga iyo dowladaha kale ee ka tirsan nidaamka federal-ka ee ay Soomaaliya qaadatay. Runtii talaabadan waxay meesha ka saaraysaa shaki weyn oo aad moodaysay dowladda federal-ka inay ka qabtay waxa ay yihiin dowladaha ka tirsan federal-ka ee ay tahay inay wax kasta wadaagaan, waxaana sida qof kasta oo federal-ka uu ku cusubyahay oo madax noqda ku adkaatay mas’uuliyiinta dowladda inay si fudud u fahmaan awooddii dalka inay qaybsantay.
Booqashada ra’iisal wasaaraha iyo heshiisyada la gaaray waxay si sahlan sharaxaad ugu noqonayaa in nidaamka cusub ee federal-ka la fahmo, uuna yaraado walaaca ay DFS ka qabto qaybsanka awoodii gacanta dowladda dhexe ku urursanayd, ayna madaxda DFS garowsadaan oo la qabsadaan qaybsanaanta awoodda siyaasadeed ee dalka taasoo gaaraysa ilaa heer tuulo.
Waxaan iyadana rajayniyaa in heshiiskaas uu horseedo is af-garad heer kasta ah, isla markaasna taageero ka hela shacabka Soomaaliyeed si ay taas dhiiri gelin u noqoto una baxo shakiga laga qabo qaybsanka awoodda maadaama ay dadku u barteen xukun awooddu ku urursantahay gacan dowladda dhexe, isla markaasna uu mas’uul kasta oo soo baxa uu jeclaan lahaa in sidii Max’ed Siyaad Barre uu dalka u xukumo.
Mid iyadu shaki kuma jiro, waana midda loo baahanayahay inay ku dhiiradaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, oo maxay tahay? nin kasta inuu hor fariisan karo ninka ay colka yihiin, ninka ay fikirka isku khilaafsanyihiin, isla markaasna uu ka dhaadhiciyo oo ku qanciyo sababaha uu uga saxanyahay , laakiin saaxiibka ama siyaasiga kula jaalka ah iyo adiga waxaba iskuma seeganidiin.
Waxaa xusid mudan in dhammaan talaabooyinka lagu heshiiyay ee ay soo saxiixeen ra’iisal wasaare Saacid iyo wafdigiis iyo dowladda Puntland (Puntland State) la ixtraamo, waayo waxaan xasuusnahay in hashiiskii u horeeyay ee ra’iisal wazaarihii hore Cumar Cabdi-Rashiid iyo Puntland ay wada saxiixdeen 2009kii isla markiiba ay ka hor yimaadeen odayaasha dhaqaanka Muqdisho iyo Cabdi-Raxmaan Ibbi oo xilligaas ahaa waziirka khayraadka badaha ilaa xeryihii ciidammada badda Soomaaliyeed lagu taba bari lahaa loo wareejiyay dalka Djibouti…
Geesinimmada waxaa ka mid ah in qofku garowsado wixii uu ku gefsanyahay, siyaasadda dal lagu maamulana waxay u baahantahay garowshiinyaha noocaas ah oo waxaa qofka mas’uulka ah laga rabaa inuu u nugulyahay talooyinka ay dadka soo jeedinayaan oo uu qaadaa-dhigo karo, isla mar ahaantaasna qaadan karo wixii looga jid leeyahay.
Socdaalka ra’iisal wazaare Saacid uu ku tegay Puntland waxaan rajaynaynaa inuu noqdo talaabadii uu ka bilowday socodkii dheeraa ee soo nooleynta qaranimadii Soomaaliya, waxaana madax-weynaha iyo golaha shacabka ugu baaqaynaa inay taageeraan, inay u arkaan talaabo soo dhoweyn mudan oo aysan dhicin sidii dhici jirtay xilliyadii dowladihii ku meel gaarka ahaa is qabqabsi iyo in wax kasta looga hor yimaado hebel ku xumee, iyadoo aan filaayo inaan qaan gaar noqonay oo aysan dhacayn in la arko madax-weyne iyo ra’iisal wazaare awoodii ku muransan, si ka baxsan anshax diplomats-iyadda.
Sida ay Soomaalidu tiraahdaba dowladdu waa inay ku dhqantaa Qowl nin weyn ka dhacay waa qolof geed ka dhacday! In badan eedaha iyo dhaliilaha jira waxaa ka mid ah balanqaadyo ay dowladdu samayso hasa yeeshee aan halkii lagu saxiixay laga qaadin ama lagu dhaqmin, taasi waxay noqonaysaa oo marka dambe horseedaysaa inaan dib laysugu kalsoonaan, meelo badan oo deeganada dalka ka mid ah cabashooyinka ka imaanaya waxay ku salaysanyihiin balan qaadyo ay xubno ka mid ah sameeyeen laakiin aysan fulin.
Inta aan hadda ognahay qoraalka ay wada saxiixdeen dowladda federalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Puntland waa mid guud ahaan ay ka muuqato macno qaranimo Soomaaliyeed, ninna ma inkiri karo in lagu kala duwanyahay aragtida nidaamkaan dalka ku cusub ee federal-ka ah, oo waa arrin iska cad in dadka qaarkii uu madmadow badan uga jiro in dowladda ama awooddii xukunka taladii dalka lala maamulo, waayo ma aha wax dalka Soomaaliya horay u soo maray ama guud ahaan ay shacabku fikrad ka haysteen, hasa ahaatee sida qoraalku u qornaa muhimadda ugu weyn ee maslaxad ahaan ka muuqatay waxay ahayd in qoraalka la wada saxiixay uu tusaale fiican u ahaa xisaabtanka cad ee ka dhexeynaya dowladda federal-ka iyo dowlad goboleedyada (States-ka) federal-ka ka midka ah.
In kastoo uu ra’iisal wazaaraha Saacid talaabo wanaagsan qaaday hadana wali dad badan ayaa rumaysan inuu hab aan dastuuri ahayn u wajahayo gacan siinta iyo sidii loo taabo gelin lahaa dowlad goboleedyada samaysmaya, arrinta hadda taagan ee ugu dambaysay waa cabashada ka imaanaysa dowlad goboleedka Galmudug oo iyadu ahayd dowlad goboleed la aqoonsanyahay kaalin muuqatana ka soo qaadatay habka ay ku dhisantay dowladda maanta jirta, sidaasoo kalana waxaa lagu eedayniyaa inuu gacan weyn ku leeyahay sidii loo carqaladayn lahaa samaysanka dowlad goboleedka Jubbaland.
Dowladda Federal-ka iyadaa laga rabaa inay dhiiri geliso wada xaajoodyada, inay wax yaabo badan fududayso si looga gudbo waxyaabo badan oo laga bartay dhaqamadii colaadda, sida wada hadal la’aanta, iyo kala dambayn la’aant, waliba waa inay iyada waxyaabo badan ka tagtaa haddii aysan wax u dhimayn dhismaha guud ee qaranimmada Soomaaliyeed, taasoo macnaheedu yahay in meesha laga saaro qabka iyo in talada laysku cannaado maadaama waajibaadka yaala iyo danaha ummadda ay horay ugu lumeen dabeecadahaas.
Booqashadii ra’iisal Cabdi Faarax SHir-doon ee dowlad goboleedka Puntland waxay sal dhig u noqon karaysaa is faham guud, isu soo dhowaansho, kala war qaadasho, iska warqabid guud oo horseedda dib u soo noqoshada qaranimmadii Soomaaliya, waxaana talo wanaagsan ah in dowlad goboleedka Puntland iyo dowladda federal-ka ay labadooda marka hore soo gaaraan heer ay si wada jir u raadin karaan in Somaaliland ay dib ugu soo laabato kaalinteeda banaan.
Waxaan aaminsanahay in horay loo sii wado booqashada bilaabatay, in dowladda federal-ka madaxdeeda aysan dheg jalaq u siin dhaliilaha lagau kala fogeynayo iyada iyo qaybaha kale ee ay siyaasadda isku diidanyihiin, ayna ku dadaasho inaan loo kala dab qaadin ee ay iyada qaadato kaalin fududaynaysa xal in laga gaaro arrimha ay isku khilaafsanyihiin.
Sidiisaba socod kasta oo dheer waxaa shaki la’aan uu ka bilowday tallaabo keliya! Talaabo Keliya!…ha la sii wado wadadan is fahamka ah ee ay fureen ra’iisal wazaare Saacid iyo madax-weynaha Puntland Cabdi-Raxmaan Faroole, wada hadal waa furaha is fahamka, in lays af-gartaana waxaa ka horeeya in la wada hadlo!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM