Muqdisho(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in xil ka qaadista lagu sameeyey saraakiisha ugu saraysa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya lagu sameeyey ay qayb ka tahay isbedel buuxa oo la doonayo in lagu sameeyo ciidanka xooga dalka Soomaaliya,R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo ka hadlayey munaasabada lagu sagootinayey taliyihii guud iyo abaanduulihii hore ee ciidanka oo xil ka qaadis lahu sameeyey ayaa sheegay in arintani ay qayb ka tahay sibedel dhab ah oo ay dowlada Soomaaliya damacsan tahay iney ku samayso hannaanka ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.
R/wasaare Saacid ayaa hoosta ka xariiqay iney sii wadayaan isbedelka ay ku samaynayaan hogaanka ciidanka qalabka sida wuxuuna shaaca ka qaaday in dowladu ay isku hawlayso sidii ay u diyaarin lahayd ciidan qaran oo leh muuq iyo dhaqan ciidan oo sax ah isagoona tibaaxay in beesha caalamku ay Soomaaliya ka qaaday isla markaane ay eegayaan habka iyo sida ay Soomaalidu u maareyso hubkaas.
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya ayaa intaa ku daray in saraakiisha xilka laga qaaay aysan ahayn kuwo aan qaban karin hawsha adag ee hortaala hogaanka ciidamada dalka balse waxa uu tilmaamay iney lagama maarmaan tahay in la helo isbedel la jaanqaadi kara isbedelka guud ee ka dhacay guud ahaan maamulka dalka.
Dowlada Soomaaliya oo dhawaan laga qaaday xayiraadda hubka ee saarneed muddo dheer ayaa waxaa looga fadhiyaa sida ay u maareyso hubka soo gali doona gacanteeda iyadoona si tijaabo ah muddo 1 sano ah laaga qaaday qayb ahaan xayiraadda hubka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho