Muqdisho(RBC Radio) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ay alshabaab ku qaadeen Tuulada Dhamaajaaley oo ay ku dileem askarta Kenyanka ah,war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa lagu cambaareeyey weerarkaas
“Si aad ah ayaan u cambaareeyneeynaa talabadaasi ka dhanka ah dadka aan waxbo galabsan iyo ciidamada booliska Kenya,ee la dilay, waxaana tacsi u dirayna qoysaskii ay dadkooda ku geeriyoodeen weerarkaasi ,aad baanu uga xunahay waxa dhacay”ayuu yiri R/wasaare Saacid.
Ra,iisul wasaaraha ayaa sheegay in Kenya ay door siyaasadeed oo lama iloobaan ah ka qaadatay balaarintii AMISOM taasna uu uga mahad celinayo.Sidoo kale waxaa uu sheegay in Dowladaha gobolka ay ka mideeysanyihiin taadeeradoda ku aadan in la dhiso soomaaliya oo degan islamarkaana nabad ah.
R/wasaaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in dowladda Kenya ay dhibaato badan kasoo gaartay weerarada alshabaab ay dalkaas ka geystaan,wuxuuna daboolka ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay iney dhiggeeda Kenya kala shaqeyso nabadgalyada dalkaas iyo guud ahaan gobolka,wuxuuna intaa ku daray in dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ka go’an tahay cirib tirka alshabaab oo halis ku ah amnigooda,isagoona sheegay in dalalka derisku ay dadaal ugu jiraan sidii loosoo celin lahaa nabaddii iyo dowladnimadii Soomaaliya.
Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa hadalkiisa kusoo afmeeray “Shaki noogama jiro in shacabka ay ka go’antahay nabad Diyaarna ay u Yihiin in Dowlada ay la shaqeeyaan mana sii jiri doonaan Tilaabooyinka Nuucaan oo kale ah ee ay Qaadayaan Kooxaha Qaswadaayaasha ah”.
RBC Radio