Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dagaal ciidanka dowladda iyo alshabaab ku dhexmaray duleedka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar

$
0
0

 

Jowhar(RBC Radio) Ciidanka alshabaab ayaa dagaal ku qaaday xarun ay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ku leeyihiin duleedka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe,dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu soconayey saacado fara badan.

Sida aan wararka ku heleyno ciidanka  kooxda alshabaab oo dagaalka  soo qaadday ayaa gudaha u galay fariisinkii ay ciidanka dowladdu ku lahaayeen duleedka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar waxaana halkaasi ka dhacay dagaal ba’an oo dhexmar alshabaabkii dagaalka soo qaaday iyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab milateri ka helayey ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM,waxaana markii danbe ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya u suurta gashay iney dib iskaga caabiyaan weerarkaasi.

Dagaalka oo dhacay xilli habeen ah ayaa waxaa yar wararka laga heli kar khasaaraha dhabta ah ee uu geystay dagaalkani,warar ka madax-bannaan dhinacyada dagaalamay ayaa sheegay in la arkayey dhaawacyo fara badab oo la gaarsiinayey Isbitaalka magaalada Jowhar dhaawacyadaas oo la sheegay iney u badnaayeen ciidanka dowladda,ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisga dowladda Soomaaliya iyo dhanka alshabaab oo ku aaddan dagaalka ku dhexmaray duleeka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhufeyso iyo fariisimo ciidan oo hor leh ka samaysay nawaaxiga garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar oo ah halka uu dagaalku ka dhacay si ay uga gaashaantaan weeraro kale oo uga yimaadda dhanka alshabaab,alshabaab oo laga saaray inta badan magaalooyinka muhimka ah ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa dalka ka wada dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah kadib markii looga xoog roonaaday dagaalkii foolka foolka ahaa.

 

 

 

RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles