Mombasa(RBC) Ciidamada dalka Kenya ayaa toogasho ku dilay nin ay ku sheegeen inuu ka gacan saar la leeyahay alshabaabka ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya,ciidanka amniga dalka Kenya ayaa ninkaasi ku toogtay magaalo xeebeedka Mombasa xilli ay ku hawlanaayeen baaritaano ay ku samaynayeen gurigiisa.
Ninka la toogtay ayaa la sheegay inuu ka dhega adayga inuu isku dhiibo ciidanka ammaanka Kenya oo isku gadaamay gurigiisa,waxaana la tilmaamay in ciidanku ay ninkaasi toogteen kadib markii uu Bam gacmeed ku tuuray ciidankii amniga Kenya ee isku dayayey iney gacanta kusoo dhigaan taasoo keentay in ciidanku ay rasaas la dhacaan ninkaasi oo goobta ku geeriyooday.
Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in ninka la dilay uu ahaa nin si weyn looga yaqaanay magaalada Mombasa isla markaane lagu tuhunsan yahay inuu xiriir weyn la leeyahay alshabaabka Soomaaliya,waxayna intaa ku dareen in ninka la dilay uu gacan saar la lahaa Sheekh Aboud Rogo Maxamed oo lagu toogtay magaalada Mombasa sanadkii hore kaasoo dowladda lagu eedeeyey iney dilkiisa ka danbeysa taasoo sababtay mudaharaadyo rabshada watay oo ka dilaacay gobolka Xeebta dalka Kenya oo ay ku badan yihiin dadka Muslimiinta ah rabshadahaas oo looga soo horjeeday dilka wadaadkaas oo dowladda Kenya ay sheegtay inuu xubin ka ahaa alshabaab.
Booliska dalka Kenya ayaa sheegay iney ka heleen guriga ninka ay toogteen hub iyo walxaha qarxa,waxayna sheegeen in ninkani uu ka mid ahaa dad badan oo Kenyan ah oo laga dhaadhiciyey fikirka alshabaab kuna soo tababartay gudaha Soomaaliya kuwaas oo loo diray iney dhibaato ka geystaan dalka Kenya .
RBC Radio