Muqdisho(RBC Radio) Ururka alshabaab ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal ay ku qaadeen Tuulo ku taalla xuduudka kala qaybiya Soomaaliya iyo Kenya oo ay xero ciidan ku lahaayeen ciidamada dalka Kenya,afhayeenka alshabaab ee dhanka hawlgallada Sheekh C/casiis Abu Muscab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegay in ciidanka alshabaab ay dagaal qorsheysan ku qaadeen tuulada Dhamaajaaley oo ku taalla soodinka kala qaybisay Soomaaliya iyo Kenya.
Abu Muscab ayaa sheegay in Tuulada Dhamaajaaley oo xuduuka u jirta qiyaastii 35-KM ay ciidanka alshabaab ku qaadeen dagaal qorsheysan,wuxuuna tilmaamay in ciidankoodu ay dhinacyo badan ka weerareen xarunta ay ciidanka Kenya ku lahaayeen tuuladaas,wuxuuna sheegay in alshabaab ay u suurta gashay iney gudaha u galaan xeradaas.
Afhayeenka ayaa sheegay in halkaas ay dhibaato baaxad leh ku gaarsiiyeen ciidankii Kenya ee ku sugnaa xerada ay weerarka ku qaadeen,wuxuuna sheegtay iney goobtaa ku dileen 8 askari oo Kenyan ah halka ay dhaawaceen dhowr iyo Toban kale oo ka tirsan askarta Kenya,wuxuuna intaa ku daray in ciidankii Kenya ee xerada ku sugnaa ay ka firxadeen Tuulada isla markaane ay u baxsadeen dhulka miyiga ah.
C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay iney sidoo kale halkaa ka heleen hub ay ka carareen ciidankii Kenya ee ku sugnaa xarunta ay weerareen sida uu sheegay,wuxuuna tibaaxay iney gacanta ku dhigeen 12 qori, afhayeenka hawlgalada alshabaab ayaa sheegay in alshabaab ay u fududahay iney meelkasta ku weeraraan ciidanka Kenya ee kusoo duulay dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.
Dowladda Kenya ayaa dhankeeda xaqiijisay in askar ka tirsan ciidankeeda lagu dilay Tuulada Dhamaajaaley oo ku dhow xuduudka ay Kenya la wadaagto dalka Soomaaliya,Saraakiisha ciidanka Kenya ayaa sheegay in 5 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya, qof kamid ah shaqaalaha bisha cas ee dalkaas iyo macalin in lagu dilay weerarka ka dhacay Tuulada Dhamaajaaley.
RBC Radio