Kismaayo[RBC Radio]Banaanbaxyo ballaaran ayaa maantey ka dhacay magaaladda Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose waxana lugu taageerayey maamulka Jubba-land waxana looga soo horjeda siyaasada dowladda ee ku wajahan Jubba-land.
Dibadbaxan oo ahaa mid siweyn loga daremay magaaladda Kismaayo ayaa sidoo kale waxaa uu ka dhacay deegaanada maamulka Jubba-land waxana deegaanada ka mid aha Afmadow, Badhaadhe, Kulbiyo iyo Dhoobley .
Shacabka ayaa soo abaabuley Banaanbaxyadan waxana boqolaal dadweyne ah lugu arkeyey wadooyinka waa weyn ee Kismaayo iyagoona watey boorar ay ku qornaayen hal ku dhigyo ay ku dhalecenayen dowladda kuna taageerayen maamulka Jubbaland.
Dadweynaha dibad baxa dhigayey oo warbaahinta lahadley ayaa sheegey in ay uga goleyihiin banaanbaxoda inay tusan indhaha caalamka in shacabka Jubba-land iyagu ay dhisten maamulka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)waxana ay dowladda ka dalbadeen inay daba maryada ka deyso maamulka ay rabaan ee xiligaan dhisan.
Banaanbaxan ayaa shacabku sidoo kale ay ku cambaareeyey faro gelinta ay dowlada Federaalka ku heyso maamul u sameynta gobalada Jubooyinka iyo waliba baaqii kasoo baxay IGAD ee ahaan in shir dib u heshiisiin ah lagu qabto magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa ay shacabku ka soo horjesten dhainacyada qaska kawada Jubba-land ee dowladda faderaalka usoo dirayso magaaladda Kismaayo sida ay iyagu sheegen,iyadoona xilligaan Kismaayo ay ku sugan yihiin ilaa saddex wafti oo ay soo dirtey dowladda faderaalka.
Dhinaca kale afhayeenki hore ee maamulka Kismaayo C/naasir Seerar ayaa dhinacisa caddeyey in banaanbaxayadani ay ahyeen kuwo si nabdoon ku dhacey islamarkana an ku eken sida uu sheegey Kismaayo un balse uu ka dhacay deegaano ka tirsan Jubba-land.
Seeraar ayaa intaa ku darey in shacabka ay wateen boorar ay ku dalbanayaan taageerada maamulka Jubba-land.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio