Kismaayo(RBC) Banaanbaxyo lagu taageerayey maamulka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo dhawaan oo loo doortay madaxweynaha maamulkaas isla markaane looga soo horjeedo faragalinta ay dowladda Soomaaliya ku hayso arimaha maamulka Jubaland ayaa maanta ka dhacay degmooyin fara badan oo ka tirsan gobolka Jubada hoose.
Boqolaal ruux ayaa iskugu soo baxay magaalooyinka Kismaayo,Afmadow iyo Badhaadhe oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Jubada hoose,dadka Mudaharaadka dhigayey ayaa muujinayey dareenkooda ku aaddan taageerada ay u hayaan maamulka Jubaland ee uu horkacayo Axmed Madoobe,dadka bannaanbaxaya ayaa ku dhawaaqayey ereyo ay ku diidanaayeen faro galin ay sheegeen inuu Jubooyinka ku hayo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Dibad-baxayaasha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragalin qaawan ku hayso arimaha Jubooyinka,waxayna ka dalbadeen dowladda Soomaaliya ineysan ka hor imaan rabitaanka shacabka ku dhaqan Jubooyinka,Bannaanbaxayaasha ayaa ku qaylinayey ereyo ay ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku diiday iney ku aqoonsato doorashadii Axmed Madoobe.
Waxayna ugu baaqeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu taageero maamulka Jubaland isla markaane uu ka daayo waxa ay ku tilmaameen faragalinta uu ku hayo arimaha deegaanada Jubaland,iyagoona ka dalbaday inuusan madaxweynuhu caqabad ku noqon rabitaanka shacabka kasoo jeeda deegaanadaas sida ay tilmaameen.
Degmooyinka ay bannaanbaxyadu ka dheceen ayaa waxaa dadweynihiii isu soo baxa dhigayey kula hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka Jubaland,waxayna sheegeen in dowladda Soomaaliya ay caddeysatay sida ay uga soo horjeedo go’aankii ay shacabka Jubaland ku dhisteen maamulkooda.
RBC Radio