Muqdisho(RBC Radio) Madaxtooyada Soomaaliyeed ayaa ka jawaabtay eedayn uga timi maamulka Jubaland taasoo ku saabsaneed in madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweyne Xasan Sheekh ay dhibaato ka abuurayaan gobolada Jubooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Afhayeenka madaxtooyada dowladda Soomaaliya ahna la taliyaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Inj. C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa sheegay in eedda loo jeediyey madaxweynaha ay tahay mid aan sax ahayn,wuxuuna tibaaxay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka shaqaynayo minimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed,isla markaane aysan ka suurtoobin inuu dhibaato ka dhex abuuro bulshada Soomaaliyeed.
Inj. Yariisow ayaa sheegay in waxyaabaha loo doortay madaxweyne Xasan Sh ay tahay inuu hubiyo 4-ta sano ee uu xilka hayo soo celinta nabadgalyada dalka,in maamulada dhismaya ay noqdaan kuwo ay dadku ku wada qanacsan yihiin isla markaane ay heshiis ku yihiin,wuxuuna tilmaamay in hadafka madaxweynaha ee Jubooyinka uu yahay in goboladaas ay yeesheen maamul goboleed waafaqsan dastuurka isla markaane ay u dhan yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool goboladaas.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhanka kale ka warbixiyey go’aanada kasoo baxay shir madaxeedkii IGAD ee lagu qabtay magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia wuxuuna tilmaamay in shirkaas ay kasoo bexeen go’aanno wax ku ool ah ,isagoona si gaara u xusay in madaxda IGAD ay isku raaceen in alshabaab laga tirtiro gobolka geeska Afrika.
RBC Radio