Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudoonka baarlamaanka oo loo gudbiyey Mooshin ka dhan joogitaanka ciidanka Kenya ee gudaha Soomaaliyal

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa loo  gudbiyey Mooshin ka dhan ah joogitaanka ciidamada dalka Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u gudbiyey gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Mooshin ka dhan ah joogitaanka ciidamada Kenya ee gobolada Jubooyinka.

Waxaa arintaasi  xaqiijiyey Xildhgibaan Maxamed Amiin Xasan C/llaahi oo ka mid ah mudanayaasha baaralamaaka Soomaaliya wuxuuna tilmaamay in Mooshinkaas ay gudbiyeen mudanayaasha baarlamaanka xildhibaano ka tirsan baarlamaanka,wuxuuna ku sheegay sababata ay u gudbiyeen Mooshinkaas iney tahay kadib markii laga dhega adaygat talooyinkii dowladda ee maamul us amaynta Jubooyinka.

Wuxuuna tilmaamay iney lama huraan tahay in la ogaado meesha dhabta ah ee ay dhibaatadu salka ku hayso,wuxuuna sheegay iney ka war  hayaan in ciidanka Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo ay hareer mareen hawshii loo igmaday isla markaane ay faraha la galeen arimaha siyaasaddda jubooyinka iyo maamul u samaynta goboladaas.

Xildhibaanka ayaa sheegay iney Kenya ku xad gudubtay hawshii loo xilsaaray wuxuuna sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay ka gilgilatay tallaabada ay Kenya ku fara galisay arimaha Jubooyinka,Xildhibaanka ayaa sheegay iney gudoonka ka sugayaan xiliga laga dooni doono Mooshinkaas oo ah mid ay wada sugayaan xildhibaanada iyo shacabka Soomaaliyeed oo ka biyo diidsan doorka Kenya ee arimaha Soomaaliya sida uu sheegay.

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles