Caabudwaaq [RBC Radio]Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegey inay ku guulesten qabashada rag garaya illaa shan nin oo lagu eedeeyay inay rag odayaal ah ku dileen dhulka is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya.
Axmed Jaamac Dhirif guddoomiyaha degmada Caabudwaaq oo warbaahinta lahadley ayaa sheegey in juhdi badan kadib ay sura gashey gacan ku dhiglayaashasi inay gacanta ku dhigan,sidoo kale Dhirif ayaa hadalkisa kusoo qadey in shanta nin ay dileen odayaal ka soo jeeda dhulka is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya waxana uu inta ku darey in ay dilka nimankan ka gesten deegaanka Gallaaddi.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegey in raggan labo ka mid ah qirteen inay dilka geysteen, halka saddexda kalena ay gacan ka geysteen falka.
Dhirif wuxuu caddey in eedeysanayaasha ay haatan ku xiran yihiin xabsiga degmada Caabudwaaq, wuxuuna ku gooddiyay inay gacan adag ku qaban doonaan kooxaha ka dhanka ah ammaanka raggana ay ku warejin doonan odayaasha ay dadka ka dileen.
Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa mudooyinkanba ku howlana sidii ay uga hortagi lahaayen falalka amniga lidiga ku ah ee ka dhaca deeganadooda.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio