Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Taliska booliska Baydhabo oo sheegay iney ku raadjoogaan dadkii ka danbeeyey qaraxii shalay ka dhacay magaaladaas

$
0
0

Baydhabo(RBC Radio) Taliska booliska magaalada Baydhabo ee xatunta gobolka Baay ayaa sheegay iney ku raadjoogaan isla markaane ay  sharciga horkeenayaan dadkii ka danbeeyey qarax Bam oo shalay lagu tuuray bartamaha magaalada Baydhabo kaasoo dhaliyey dhaawaca in ka badan 15 ruux oo rayid ah,taliyaha ciidanka booliska magaalada Baydhabo Mahad C/raxmaan ayaa sheegay iney ku daba jiraan kooxihii qaraxaasi geystay.

Taliyaha booliska magaalada Baydhabo ayaa tilmaamay iney wadaan baaritaano xoog leh oo ay ku ogaanayaan cidda sida rasmiga ah uga danbeysay qaraxaas,gudoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow oo goobta qaraxu ka dhacay gaaray ayaa sheegay in qaraxaai uu ahaa mid fulaynimo ah wuxuuna eediisa dusha kaga tuuray alshabaabka dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya.

Balse taliyaha booliska magaalada Baydhabo ayaa sheegay iney heleen warar sheegaya in Bam-ka qarxay uu ka fakaday ciidamada goobta ku sugnaa oo iskugu jiray kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ethiopian iyo warar kale oo tilmaamay in ciidanka lala eegtay bamkaas,wuxuuna tilmaamay iney hadda wadaan baaritaanada ku aaddan cidda sida rasmiga ah uga danbeysay falkaa,wuxuuna ka dhawaajiyey iney sharciga horkeenayaan dadkii falkaasi geystay.

Taliyaha ayaa dhanka kale qiray in amniga magaaladu uusan wali ahayn mid la isku halayn karo,wuxuuna u aaneeyey arinkaasi in alshabaab oo muddo 4 sano ah  gacanta ku hayey magaalada ay inta badan shacabka ku dhaqan Baydhabo ka dhaadhiciyey afkaartooda qaldan,isla markaane ay  dadka bareen sida bamka loo tuuro,miino aasidda iyo toogashada dadka arinkaas oo uu sheegay in wax ka qabashadeedu ay u baahan tahay waqti iyo dadaal badan sida uu hadalka u yiri taliyaha booliska magaalada Baydhabo  Mahad C/raxmaan.

 

 

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles