Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Ciidamada Kenya oo sheegey inaysan masuul ka ahayen amniga xubna dowladda ka socda ee kusugan Kismaayo

$
0
0

Kismaayo[RBC Radio]Warar si hoose anu uga heleno magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee kusugan Kismaayo ay u sheegen xubnaha dowladda faderaalka ka socde inaysan masuul ka ahayen ammaankoda.

 

Askarta ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howllgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa horey ujoogey goobaha ay magaaladda Kismaayo kaga suganyihin waftiga dowladda ay dhawan u dirtey Kismaayo balse hadda waxay si cadd u sheegen in usan xil ka saarnen ammaankoda.

 
Ciidamada Kenya ayaa magaaladda Kismaayo kaga sugan goobo badan oo muhim ah iyagoona halkaasi sugaya ammaankoda.
Sidoo kale maamulka magaaladda Kismaayo ayaa garsiyey waftiga inay magaaladda isaga baxan inkasto an la sheegen inta maamulka Kismaayo u uqabtey waftiga dowladda ee ku sugan Kismaayo .

 

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay waftiga dowladda ee kusugan Kismaayo warkaso ku aadan hadalka ka soo yerey ciidamada Kenya ee horey sugayey ammaankoda iyo maamulka Kismaayo ee u sheegey inay Kismaayo ka baxan.

 

Waxii war ah ee arrintan ku soo kordha iyo haddi wax ay arrimahan ka jawaaban waftiga dowladda kala soco shabakada Raxanreeb.com.

 
RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles