Xin-galool [RBC Radio]Deegaank Xin-galool ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ka da’ay roobab an biyo badan dhigin balse watey dabeylo xoogan kuwaaso khasaaro ugestey goobo badan oo ka mid ah magaaladda.
Gen, Axmed Siciid Maxamed taliya qaybta booliska gobalka Sanaag oo warbaahinta lahadley ayaa sheegey in roobabkani ay ahayen kuwo saamen xoogan ku rebey dhismayaal badan oo magaaladda kuyala maadama si uu sheegey dabaylo xoogan uu roobkan watey.
“Roobabkan ma wadan dhibco badan oo biyo ah balse waxaa la socdey dabaylo xoogan waxana burbur ay u gesten dhismayaal badan oo magaaladda ku yaala oo ay ka midyihin dugsigi waxbarashada”waxaa sida hadalkisa kusoo qadey Axmed Siciid Maxamed taliya qaybta booliska gobalka sanaag.
Taliyaha qaybta booliska gobalka Sanaag Axmed Siciid Maxamed ayaa sidoo kale hadalkisa ku soo qadey inay jiran dad badan oo xiligaan ay dumen aqaladoodi kuwaaso banaanka tuban sida uu sheegey.
Ugudanbenti taliyaha ayaa baaq udirey dhamanba ummaadda reer Puntland iyo Soomaalida inteda kalaba isagona ugu baaqey inay gar gar lasoo garan dad walaalahod ah ee roobabku saameyen.
Si kastaba waa marki ugu horesey oo roob dabaylo wato uu burbur ugesto guryo iyo gobo kale oo ku yala magaaladda Xin-galool.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio