Gedo(RBC Radio) Culima udiinka ahlu sunna waljamaaca ayaa shaaca ka qaaday iney duullaan ku qaadayaan deegaanada ay alshabaab kaga sugan yihiin gobolada Koonfureed ee dalka, afhayeenka ahlu sunnada Koonfureed Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-qaadi ayaa sheegay iney heegan galiyeen ciidankii ugu badnaa kaasoo uu sheegay iney u diyaariyeen dagaal ay alshabaab la galaan.
Afhayeenka ahlu sunnada Koonfureed Sheekh Qaadi ayaa sheegay iney maalmaha dhow ay qaadi doonaan hawlgal ballaaran oo sida uu sheegay ay ku doonayaan iney alshabaab kaga sifeeyaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Koonfureed,wuxuuna si gaara u xusay iney ku wajahan yihiin deegaanada gobolka Gedo ee ay alshabaab ka arimiyaan.
Wuxuuna tilmaamay in ahlu sunna ay hubka u qaateen iney ku difaacaan bulshada Soomaaliyeed sida uu sheegay,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney wadi doonaan dagaalka “mar walba waxaan u taaganahay inaan difaacno qaranimada ummadda Soomaaliyeed”ayuu yiri afhayeenka ahlu sunnadda Koonfureed Sheekh Al-qaadi.
Afhayeenka ayaa sheegay in xiliyada dhow ay dhegaha bulshada Soomaaliyeed ay maqli doonaan war ay ku farxaan sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna ku celceliyey iney ka go’antahay dabargoynta alshabaab oo uu ku tilmaamay iney yihiin cadowga ummadda Soomaaliyeed kaasoo nolol iyo nabadba u diiday shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u yiri.
Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-qaadi ayaa ugu danbeyntii sheegay in ujeedka culima udiinka ahlu sunna waljamaaca uu yahay sidii loo heli lahaa Soomaali oo mid ah isla markaane ay ka jirto nabad buuxda ilaa ay fikirkaas ka miro dhaliyaane ay wadi doonaan dagaalka.
RBC Radio