Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Tababar Ku Saabsan Dimuqraadiyada Puntland Oo Suxufiyiinta Uga Furay Garoowe [Sawirro+Dhageyso]

$
0
0

Tababar Ku Saabsan Dimuqraadiyada Puntland Oo Suxufiyiinta Uga Furay Garoowe

Garoowe[RBC Radio] Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland uga furmay Suxufiyiinta Puntland Tababar Ku Saabsanaa Hannaanka Dimuqraadiyada,waxaana Suxufiyiinta la barayaa Qaababka ay u tebin doonaan Doorashooyinka Golayaasha deegaanka.

Tababarkan,waxaa maaligenaysa Hay’adda Interpeace,iyadoona ay gacan ka geysaneyso PDRC,waxaana qabanqaabada iyo isku dubaridka Barnaamijkan iska leh Ururka Suxufiyiinta Puntland ee MAP.

Isuduwaha Barnaamijyada Hay’adaha PDRC Cali Faarax

Furitaanka Tababarka ayaa waxaa hadalo kooban kasoo Jeediyey Isuduwaha Barnaamijyada Hay’adaha PDRC Cali Faarax ayaa sheegay Ujeedada Tababarka laga leeyahay ayy tahay in Suxufiyiinta Puntland la baro Hanaanka ay tebinayaan Doorashooyinka Golayaasha deegaanka.

…”"” Muddo ayaa lasoo qabanqaabinayey oo lasoo wadey in la isu keeno Saxaafada qeybaheeda kala duwan ee muhiim ka ah qaar kood iney yihiin Milkiilayaasha,Maamulayaasha iyo kuwa Tifaftira,..”"ayuu yiri

Halkan Ka Dhageyso Khudbadaha Laga Jeediyey Furitaanka Tababarka Guji Halkan

Mr Cali Faarax ayaa sheegay in Saxaafada Puntland laga doonayo iney taageerto Doorashooyinka Golayaasha deegaanka Puntland xitaa haddii uusan hirgelin dhankooda looga baahanyahay taageero fiican.

….”" Waxaa ku xiran masiirkeenii oo dhan in aynu Saxaafadu qeyb weyn ka qaadato in uu hirgalo Barnaamijka Doorashooyinka xitaa haddii hirgali-waayo yuunan ka hirgeli-waayin dhanka Saxaafada…..”"”ayuu yiri.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Soonaaliyeed ee NUSUJ ahna Xoghaya Ururka Saxaafada Puntland ee MAP Burhaan Axmed Daahir

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Soonaaliyeed ee NUSUJ ahna Xoghaya Ururka Saxaafada Puntland ee MAP Burhaan Axmed Daahir ayaa sheegay in marka ugu horeysa uu soo dhaweynaayo Tababaraha bixinaya Casharada mudada shanta cisho ANDY HILL.

….”"” Waxaan Jeclahay marka ugu horeysa inaan soo dhaweyno Tababaraha ANDY HILL kusoo dhawoow Garoowe iyo Saxaafada Puntlandba…”"”Ayuu yiri Burhaan.

Burhaan ayaa u sheegay in Suxufiyiinta Tababarka ka qeybqaadanysa loo soo xulay iney qaabeeyaan habka tebinta Doorashooyinka taasoo Saxaafadeena Puntland buu yiri ay u noqneyso markii ugu horeysay oo ka qeybqaadato dadaalada Doorashooyinka .

…”"” Intiinaan iyo kuwa kale oo idinku soo biiri-doona waxaa loo soo xulay iney qaabeeyaan habka tabinta Doorashooyinka,Saxaafadeena oo markii ugu horeysay ka qeybgaleysa dadaalo Doorashooyin oo haddii aan la Jiheyna khatara ah haddii laakiin si fiican u shaqeysana hirgelin karta Nidaamka Doorashooyinka Puntland……”"”ayuu yirir.

Gabagadii ayaa Guddoomiye Burhaan,waxa uu ka Codsaday Suxufiyiinta ka qeybqaadaysa Tababarka in si fiican uga faa’ideysato Casharada la qaadanayo,waxaana loogu talagalay in uu socdo Tababarku muddo shan maalmood ah.

____________________________

Cawrala Qoricuud
RBC Caasimada Galbeedka Mudug
Galdogob
Email: Qoricuud@gmail.com
Twitter: @Qoricuud
Facebook: Nuxnuxdiid

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles