Image may be NSFW.
Clik here to view.
Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland ayaa Furay Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Sanadwalba dhamaadkiisa ka dhaca Iskuulada Puntland siiba Galaaska 8daad iyo 12naad ayna ka qayb galayaan 8,515 Arday oo Gobolada oo dhan ah iyadoo ay jiraan Kormeerayaal iyo Ilaaliye yaal loogu talagalay ka warqabka Imtixaanka,waxaana uu fagaaraha Iskuulka Hoose Dhexe iyo Sare ee Gambool uu Madaxweynuhu ka sheegay in si Rasmi ah ay Imtixaanaadku u Furanyihiin.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in sanadwalba xiliyadan oo kale la bilaabo Imtixaanaadka Shahaadiga ah wuxuuna sheegay in la adkeeyey ilaalinta Imtixaanka Ardaydana aysan Qish isku haleyn oo ay naftooda ku tashadaan, wuxuuna Ardayda u rajeeyey Guul iyo in uu si wacan ugu dhamaado Imtixaanku.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Madaxweynaha Puntland Dr Faroole oo hadal kooban Madasha kasoo jeediyay ayaa sheegay in Gabdhaha oo waxbarasahda ku badan ay tahay wax lagu farxo oo waagii hore aysan arintaasi jirin wuxuuna sheegay Imtixaanka shahaadiga ah oo si wadajir ah uga furma Puntland oo idil hal manhajna wada wata ay tahay talaabo wanaagsan,Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Wasaarada Waxbarashada qaabka ay u shaqeyso uu Amaanay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh dalbadayna habkaasi in laga taakuleeyo Dowlada Federaalka si loo kabo Waxbarashada Soomaaliya sidaa darteedna Puntland ay ku faaneyso Waxqabadka ay muujisay Wasaarada Waxbarashada Puntland.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Imtixaanka ayaa la filayaa in uu 7kan si toos ah uga socdo Deegaanada Puntland iyadoo wasaaradu ku dadaashay in aysan dhicin wax isdaba marin sidaa darteedna Gobol walba uu si habsami ah uga Bilowday Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland wuxuuna Imtixaanku ka bilowday 66 xarumood oo Puntland oo Idil ah.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.