Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Madaxweyne Faroole: Xildhibaan Xoosh Dastuurkii Dalka ayuu Lacag ku bedeshay (Dhageyso)

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Madaxweynaha Puntland Dr C/Raxmaan Maxamed Maxamuud faroole ayaa Mar uu  ka  hadlayay Arimaha Dastuurka dalka iyo Dhismaha Jubbaland wuxuu sheegay in Dad Lacag lasoosiiyay lana soo marin-habaabiyay ay Sheegeen in Dastuurka lagu Xadgudbay wuxuuse taa bedelkeed cadeeyey in aysan jirin cid ku xadgudubtay Dastuurka oo Jubbaland dhismeheeda uu yahay mid sharci ah, Hadalka Xildhibaan Xoosh uu ku hadlayna uu yahay mid sharci Darro ku dhisan sidaana waxaa yiri  Madaxweyne faroole Mar uu ka hadlayay Furitaanka Imtixaanaadka Shahaadiga ah oo maanta Puntland ka bilowday.

“ Dadbaa Meelaha ka qaylinaya oo kasoo horjeeda in Dalku dago lana hirgeliyo Nidaamka Federaaliisimka oo uu ugu horeeyaa ninkii Dastuurka Dalka lagu aaminay oo Kismaayo ka yiri waa la xadgudbay waxaan rajeynayaa in uu Shilimaad qaatay, hadaba waxaan cadeynayaa in Ninkaas iyo kuwa la midka ahba aysan dan u hayn umada Soomaaliyeed waxa lagu wada heshiiyayna ay tahay in Dalka lagu hagaa hab federal taana aysan ka noqod lahayn Beesha caalamkana ay ka warheyso” sidaana  waxaa Yiri Madaxweyne Faroole.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo Beegmayaa iyadoo dhawaan xildhibaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya  uu Shaaciyay Doorashadii ka dhacday Kismaayo in  aysan Dastuurka waafaqsaneyn.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

 

 

 

 

RBC RADIO

Xafiiska Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles