Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Muqdisho ka hirgalineysa Mashruuc lagu taagerayo dadka danyarta ah

$
0
0

Muqdisho9RBC)  Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo ka mid ah shirkadaha Isgaarsiinta dalka ka hawlgala ayaa maanta soo bandhigtay Mashruuc wax loogu qabanayo dadka danyarta ah munaasabada si weyn loosoo agaasimay oo ay ka qabygaleen masuuliyiinta ugu saraysa Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo lagu qabtay magaalada Muqdiso ee caasimadda Soomaaliya ayaa looga dhawaaqay hay’adda Hormuudd Telcom Foundation oo lagu taageerayo dadka danyarta ah sida ay tilmaameen masuuliyiinta shirakadda.

Maamulaha guud ee shirkadda Isgaarsiinta  Hormuud Maxamed Aadan Faarax oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in mashruucani uu wax badan ka qaban doono baahida dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed,wuxuuna xusay in Mashruucan loogu tala galay in dadka danyarta ah looga taageero dhinacyada waxbarahada iyo shaqooyinka,wuxuuna intaa ku daray iney u taagan yihiin garab istaagga bulshada inta tabarta yar.

C/llaahi Nuur oo ah madaxa  Foundation-ka ay manta magaalada Muqdisho ka aas-aastay shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa isne sheegay in ujeedkoodu ugu weyn uu yahay wax u qabashada dadka intiisa taagta daran,wuxuuna ku nuuxnuxsaday iney waxbadan u qaban doonaan shacabka Soomaaliyeed ee dalka ku dhibaateysan.

Shirkadda Isgaarsiita Hormuud Telecom oo kamid ah shirkadaha ka hawlgala Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa hore gacan u geysatay dhibaatooyikii dalka ka dhacay oo ay ka mid ahaayeen abaarihii sanadkii 2011 ku dhuftay inta badan gobolada dalka iyo fatahaado ka dhacay gobolada qaar ee dalka.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles