Muqdisho(RBC Radio) Israsaasayn maanta ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa dhalisay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah,iska hor imaadka dhexmaray ciidanka ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay Isgoyska Banaadir ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Waxaana la sheegayaa in isku dhaca ciidanka kawada tirsan dowladdu uu ka danbeeyey kadib markii ay ku murmeen lacagta(Leejada) ee laga qaado gaadiidka ka baxaya Isgoyskaas,waxaana la tilmaamayaa in murankii ka dhashay qaadista lacagtaas uu ka dhashay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidankii dowladda.
Inta la xaqiijiyey 2 ruux oo rayid ah ayaa ku naf-waayey iska hor imaadkaas halka ay intaa in ka badane ay ku dhaawacmeen,macadda khasaaraha kala gaaray ciidankii ka wada tirsanaa dowladda ee dagaalamay,goobta ay isrsaaseyntu ka dhacday ayaa waxaa soo gaaray ciidamo fara badan oo ka tirsan Nabadsugidda iyo Milateriga dowladda kuwaas oo kala dhexgalay ciidankii dagaalamay.
Isku dhaca dhexmara ciidamada ka wada tirsan askarta dowladda Soomaaliya ayaa marar badan kusoo noqnoqday magaalada Muqdisho,masuuliyiinta ciidamada oo ay ugu horeysso wasaaradda gaashaandhiga dalka ayaa sheegay iney wax ka qaban doonaan israsaaseynta ciidanka dowladda oo waxyeelada ugu badab ay kasoo gaarto dadka shacabka ah.
RBC Radio