Garbahaarey(RBC) Ahlu sunnada koonfurta Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya ineysan dhaqan galin heshiskii ay dhawaan ku kala saxiixdeen magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo xiligii uu safarka magaaladaas ku joogay waftiga ballaaran ee uu horkacayey R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid.
Afhayeenka ahlu sunnada koonfurta Soomaaliya Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-qaado ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya iney ka gaabisay fulinta heshiiskii ay ku gaareen magaalada Garbahaarey,wuxuuna tilmaamay in ballantu ay ahayd in heshiiskaas lagu dhaqan galiyo muddo bil gudaheed ah isla markaane marka ay waftiga dowladdu ay Muqdisho ku laabtaan ay Gedo usoo diraan Diyaarad masuuliyiinta ahlu suuna u qaaday Muqdisho si loosii amba qaado heshiiskaas muddo Todobaad gudihiisa.
Wuxuuna tilmaamay ine xiriiro fara badan la sameeyeen masuuliyiinta ugu sareeya dowladda Soomaaliya balse waxa uu sheegay iney dhankooda ka gaabiyeen hirgalinta heshiiskaas,wuxuuna tilmaamay in madaxda dowladdu ay mar walba u sheegaan iney diyaar u yihiin dhaqan galinta heshiiskii balse ay ka dhigeen arin ku siman afka baarkiisa sida uu tilmaamay afhayeenka ahlu sunna ee gobolada Koonfureed Sheekh Maxamed Al-qaadi.
Afhayeenka ayaa sheegay in heshiiskaasi uu noqday mid aan guuleysan sida uu tilmaamay kadib markii dhanka madaxda dowladda ay kasoo bixi waayeen waxyaabihii lagu heshiiyey oo ay ugu horeysay in maalmo gudahooda lagu magacaabo guddi isku dhaf ah oo ka shaqeeya hirgalinta qodobada heshiiskaa.
R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa ahlu sunna heshiis lasoo saxeexday markii uu safarka ku tagay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo,waxaana kamid ahaa qodobada heshiiskaa in dhammaan ciidamada ahlu sunna ee ku sugan gobolka Gedo ay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.
RBC Radio