Addis Ababa[RBC Radio]Magaaladda Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa xiligaan si toos ah ugu socota munaasabad ballaaran oo lugu xusayo sanadguurada 50-aad ee aasaaskii Midowga Afrika oo maantey ku beegan.
Waxana munaasabada ka soo qeyb galay madaxweynayaashada qarada Afrika,madax ka soo cota wadamada kale ee caalamka iyo marti sharaf kale oo caalami ah kuwaasi oo ka kala yimid dunida inteda kale.
Waxana lugu wada inay goor dhow bilabmaan khudbadihi madaxdo ay jeedin lahayen iyadoona lugu wado in dirada lugu saro xuskan sare u qaadida dhaqaalaha iyo wax soo saarka Qaarada Afrika,iyadoona ay jiraan wadamo dhor ah oo qarada ku yaalo kuwaso uu hooseyo wax soo sarkoda iyo dhaqalaha intaba.
Iyadoo ay jirto dhaqalo hoosen kajirta qarada Afrika hadana wadamada caalamka Dhaqaalahooda uu soo korayo ayaa u badan dalalka Afrika kuwaaso laga helo dholkooda macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah oo caalamka intisa kale loo ibgeyo.
Madaxda Afrika ayaa xiligaan qorshenaya sidii loo iftimin laha qeyradka kujira wadamada Afrika ka tirsan kuwaaso xiligan qarkood aysan ka faa’iidesan.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio