Addis ababa(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey shir madaxeedkii madaxweynayaasha urur goboleedka IGAD ay xalay ku yeesheen magaalada Addis ababa ee caasimadda dalka ethiopia ayaa daboolka ka qaaday in hadii ay sii socdaan xiisadaha ka taagan magaalada Kismaayo ay horseedi doonto in alshabaab ay markale magaaladu gacanta u gasho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hadii uu sii socdo khilaafka ka taagan arimaha Jubooyinka ay suurta gal tahay in alshabaab ay ka faa’iideystaan isla markaane ay dib ula wareegaan magaalada,wuxuuna sheegay in dhammaan madaxweynayaasha Kismaayo kaga dhawaaqay iney madax u yihiin gobolada Jubooyinka iyo Gedo ay yihiin kuwo aysan waxba kala socon dowladdu.
“waxa Kismaayo ka dhacay waa wax aysan dowladdu waxba kala socon oo aan dastuurka waafaqsaneen, ismagacowga madaxweynayaasha faraha badan waa mid ka mid ah waxyaabihii aan ka dhaxalnay 22-kii sano ee burburka waxayna sahli kartaa in alshabaab ay magaalada dib ula wareegaan” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey kulan madaxeedkii wadamada urur goboleedka IGAD.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo dhaweeyey go’aankii IGAD ee 23-dii bishan May,Warbixintii ay soo diyaariyeen gudigii xaqiiqo raadinta IGAD ee booqashada ku tagay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo,madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay diyaar u tahay iney xal waara u hesho mushkiladaha gobolada jubooyinka,wuxuuna xusay in hadii mar hore loo dhega nuglaan lahaa baaqyada dowladda aysan xaaladu gaarteen halka ay maanta taagan tahay.
Madaxda IGAD ayaa isku raacay in dowladdu ay si dhaqso ah u qabato shir dib u heshiisiin oo ay iyadu gar-wadeen ka tahay kaasoo la iskugu keenayo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
RBC Radio