Nairobi[RBC Radio]Taliyaha Guud ee Booliska Kenya David Kimayo oo warbahinta kula hadlay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegey inay xil iska sarayaan sugida amniga gobolka xududa kuyala ee ay degaan Soomaalida.
David Kimayo taliyaha Guud ee Booliska Kenya ayaa sheegey inay soo noqnoqden falalka amniga lidiga ku ah ee ka dhacaya gobolka waqooyi barri waxana uu arinka ku micneyey inan loo dulqadan doonan dhibatoyinka halka ka dhaca,waxana uu inta ku daray inay xiligan wadan howlgalo ballaaran iyagoona oga goleh sidii ay u xaqijin lahayen amniga guudd ee gobolada Kenya.
“Ma udulqadan doono dhib laga soo sheegey gobol ka mid ah Kenya xil ayanaga saran Booliskena inan ka hortagno qatar ka tarkasta oo ku imankarta qof Kenyan ah,gobolka waqooyi barri waan ognahay arrimaha ku soo lab labtey lakin waxaan wadna howlgalo an ku dabar goynayno burcadda dhibta ka wada”waxaa inta hadalkisa ku soo qadet Taliyaha Guud ee Booliska Kenya David Kimayo .
David Kimayo ayaa sheegey inay sharciga la tigsan doonan shaqsiyadka iyo kooxaha la xariirinayo falal dambiyeedyada ka dhacaya gobolka waqooyi barri iyagoona racaya sida uu tilmaamey xogo muhiim ah oo la xariira falal dambiyeedyada,waxaa uu inta ku darey taliyaha guud ee Booliska in dadka lala xariirininayo amni darada Gobolka waqooyi barri gacanta lagu soo dhigi doono.
Mr Divid Kimayo ayaa ugu baaqay shacabka iyo Booliska in ay ka wada shaqeeyaan sugida amniga dalka iyo sidii loga adkaan lahaa burcadda.
Gobolka waqooyi barri dalka Kenya ayaa ka mid ah gobolada dalkas ee ay ka dhacan falalka amniga wax yelanaya iyadoona sarakisha amniga dalkaasina ay ku cel celiyan inay wax ka qabanayan arrimahasi wax u dhimaya ammaanka gobolka iyo gudd ahanba gobolada kale ee Kenya.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio