Kismaayo(RBC Radio) Axmed Maxamed Islaam oo ergadii dhowrka bilood ku shirsaneedJaamacadda magaalada Kismaayo ay u doorteen madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyey in ku hawlan tahay colaad ka dhex dhalata bulshada Soomaaliyeed ee ku wada dhaqan gobolada Jubooyinka iyo Gedo,Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladdu ay masuul ka tahay waxa ka socda magaalada Kismaayo.
Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo abaabushay ragga faraha badan ee magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay iney yihiin madaxweynayaasha maamulka Jubaland “waxaan u haynaa cadeyn in dowladdu ay soo abaabushay dadka sheegtay madaxweynayaasha Jubaland oo ay lacago ku bixisay”ayuu yiri Axmed Madoobe.
Axmed Maxame Islaam Axmed Madoobe ayaa shaaca ka qaaday iney ka warhayaan dhibaato uu sheegay iney magaalada ka wadaan waftiyo isdaba joog ah oo gaaray magaalada Kismaayo kuwaas oo ka socda dowladda Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in dowladdu ay amar ku bixisay in ciidankeeda ku sugan Kismaayo ay magaalada dagaal ka ridaan sida uu sheegay.
Sheekh Axmed Maxamed Islaam ayaa intaa ku daray iney ogyihiin in madaxda dowladda Soomaaliya ay Jubooyinka ka wadaan qas aan qarsooneen,wuxuuna kula taliyey masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iney ixtiraamaan dastuurka dalka u yaal ee iyaga lagu soo doortay kaasoo sida uu sheegay shacabka Jubooyinka u ogolaanaya iney dhistaan maamukooda.
Ergadii ku shirsaneed Jaamacadda Kismaayo markii ay madaxweynaha maamulka Jubaland u doorteen madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe ayaa waxaa soo ifbaxay rag badan oo ku sugan magaalada Kismaayo kuwaas oo iyagune ku dhawaaqay iney yihiin madaxweynayaasha maamulka gobolada Jubooyinka iyo Gedo arintaas oo dhalisay jaahwareer siyaasadeed iyo qal-qal dhanka amniga ah.
RBC Radio