Addis Ababa[RBC Radio]Ururka Midnimada Africa ayaa maantey xusaya konton guurada kasoo waregatey as aaska ururka.
Ururka Midowga Africa ayaa la aas aasay bishii May 25keedii sanadkii 1963kii,waxana horey loo oran jirey ururkan OAU waxana magaca Ururka Midowga Africa loo badelay 26kii bishii May ee sanadkii 2001dii shir ka dhacay magaaladda Addis Ababa.
Magaaladda Addis Ababa waxaa ka socda dabaal degyo lagu xusayo 50 sano guurada ururkan Midnimada Africa iyadoona si weyn looga dareemayaa jidadka magaalada Addis Ababa oo ah xarunta ururka.
Jidadka Addis Ababa ayaa lugu arkayey sakay dad weyne ad u farabadan kuwaso ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka oo kala gadisan kuwaso dhaqan ahan u xirtaan wadamo ka mid ah Ururka Midowga Africa.
Munaasabada ugu ballaaran weyn ee xuska oo maanta dhaceysa ka qeybgalaya in ka badan 100 madaxweyne.
Waxana lugu wada inay hadalo ka soo jeediyan munaasabadasi madaxda ka soo qeyb galaysa xuska.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio