Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Mucaaradka Jabuuti oo dowladda dalkaas ku eedeeyey iney Caburin ku hayso

$
0
0

 

Jabuuti(RBC Radio) Mucaaradka dalka Jabuuti ayaa dowladda dalkaas ku eedeeyey iney ka hor timi Xoriyatul-Qawlka afhayeenka Isbahaysiga Mucaaradka  USL ee dalka Jabuuti Axmed Riyaale oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay dalkaas ka wado Caburin dhanka Xorriyadda hadalka ah iyo fikirka dadka u dhashay dalka Jabuuti.

Axmed Riyaale ayaa dowladda Jabuuti ku eedeeyey iney xabsiyada ka buuxisay dad badan oo taageersan Isbahaysigooda USL iyo culima udiin kuwaas oo uu tilmaamay in waxa kaliya ee ay u xiran yihiin ay tahay iney fikir ahaan ka horyimaadeen hannaanka uu wax u wado madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle sida uu hadalka u yiri afhayeenka Isnahaysiga mucaaradka Jabuuti ee USL.

Wuxuuna intaa ku daray in ujeedka loo bartilmaameedsanayo Isbahaysigoodu uu yahay kadib markii sida uu sheegay ay si weyn ugula loolameen doorashadii golaha baarlamaanka dalka Jabuuti ee dhawaan ka dhacday dalkaas,Axmed Riyaale ayaa been abuur ku tilmaamay hadal hore uga soo baxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kaasoo ahaa in dalkaas ay qas ka wadaan dadkooban.

“tani waa farsamo uu ku jideysanayo inuu dalka kusii xukumo,isla markaane uu xukunka ku dheereysto,mana aha arin ay aqbalayaan shacabka reer Jabuuti”ayuu yiri afhayeenka Isbahaysiga Mucaaradka USL ee dalka Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaan ilaa hadda ka hadlin eedda ay usoo jeediyeen xisbiyada kasoo horjeeda siyaasadda dowladda dalka Jabuuti,muran xooggan ayaa ka dhashay doorashadii baarlamaaniga ahayd ee ka dhacday dalkaas bilowgii sanadkan taasoo ay aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka uu ku guuleystay xisbiga madaxweyne Geelle.

 

 

RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles