Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka Beeraha Puntland: Sunta lagu buufiyo Beeraha Qatar ayeey keentay (Warbixin +Sawirro).

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Beeraha Puntland Maxamuud Xaaji Saalax (Biriishkole) ayaa sheegay in Sunta lagu buufiyo beeraha ay Qatar badan galinayaan Xoolaha Beer kasta ka agdhaw iyo dadkaba waxaana jira dad badan oo u dhintay iyo Xoolo badan oo ku dhamaaday sunta lagu shubo beeraha oo uu Wasiirku ku tilmaamay mid dhacday iyo kuwo aan isticmaalka Beeraha loogu Talagalin.

 

Mudane (Biriishkole) wuxuu Booqday in ka badan 10 faras oo ku Baqtiyay Duleedka Tuulada 22tanaad kuwaasi oo cunay ama Galay Beero Sumeysan kadibna halkaa ku Baqtiyay, Wasiirka ayaa sheegay in Aqoon daro  heysata Beeraleyda ay keentay in Dadka iyo Xooluhuba ay ku dhamaadaan Miyiga loona baahan yahay in la tashi la sameeyo ka hor intaan Sunta labuufin maadaama la arkey qasaaraha ay keentay.

 

“ Arintan waa dhibaato taagan xalna u baahan sidaa datreed Madaxweynaha Waan kala tashaday wuuna ka warqabaa waxaan doonayaa dhawaan in aan horgeeyo Golaha Wasiirada si Go’aan looga soo saaro sharcigana loo horgeeyo cidii lagu helo iyadoo Sun qaldan ku buufineysa Beeraha, waa in Kulamo badan la sameeyaa waa in Beeraleyda la siiyaa Wacyigelin ku filan oo ay kaga badbaadaan Qatarta kaga iman karta Sunta ay buufinayaan, waa in kormeer badan la sameeyaa hawshaas oo dhannah anaga waa mid ina sugeysa ayuu yiri Wasiirka Beeraha Puntland.

 

Wasiirka Beeraha Puntland Maxamuud Xaaji Saalax (Biriishkole) wuxuu sheegay in Sabtida Beri ah ay qaban qaabinayaan kulan ka dhaca Xarunta Wasaarada ee Magaalada Garoowe kaasi oo ay la yeelan doonaan Dadka Aqoonta dheeraadka ah u leh Hormarinta arimaha Beeraha waxaana dadkaasi lagala tashan doonaa sida uu Wasiirku xusay arimahan soo noqnoqday ee Sunta Qaldan ee lagu dhamaaday iyo sidii looga hortagi lahaa.

 

Sidoo kale wuxuu wasiirku xariga ka jaray Mashruuc lagu taageerayo beeraleyda oo lagu siinayo Qalabka beeraha sidoo kalena Bil walba intii Beerfalida ay ku jiraan la siinayo Raashin Lacagta lagu soo iibinayo ay dhantahay $118 Taageeradaasi oo socon doonta mudo 3Bilood ah waxaana ka faa’iideysanaya Dadka ku dhaqan tuulada 22tanaad inkastoo Mashruucan loogu talagalay in ay ka faa’iideystaan dad dhan 614 Tuulada dadka ku noolna ay yihiin kuwo aad u yar, Wasiirka Mar uu Beeraleyda la hadlayay wuxuu ku booriyay in Barnaamijkan ka faa’iideystaan si hufan bulshadana ka baahi tiraan dhanka qudaarta iyo dhamaan waxyaabaha la Beerto iyadoo Barnaamijkan ay Taageerayaan Hay’adaha WFP & DRC.

Ibraahim Wadani.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles