Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxwayne ku Xigeenka Jubbaland Janaraal Fartaag: Madaxweynaha Soomaaliya Fitnada Kismaayo haka Daayo

$
0
0

Kismaayo (RBC Radio) Madaxwayne ku Xigeenka Jubbaland Janaraal Cabdulaahi SH Ismaacil Fartaag ayaa markii ugu horaysay waxaa uu si toos ah ugu jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan SH Maxamuud waxa uuna ku tilmaamay in uu madaxweynaha uu jeclaan lahaa in kismaayo dagaalo la isku baaba’o ay ka dhacaan.

Madaxweyne Xassan SH

Jenaraal Fartaag waxa uu eedeeyey Maaxweynaha Fedraalka Soomaaliya isaga oo ku tilmaamay in fitno wade.

Madaxweynaha waxaa fiicnaan laheyd in uu hadaladiisa ka fiirsado waxa Kismaayo ka socda ma uu ogaan karo laakiin in rabitan ama naceyb shaqsiyadeed in ay heerkaas gaarsiiso aad baan uga xumahay ….. waxaan jeclaan lahaa in uu reebto”

Jenaraal Fartaag oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri ” Madaxweynaha iyo anaga waxaa noo dhexeeya Dastuurka dastuurka noo dhexeeyana waa midka uu isga ku dhisan yahay anagana ku dhisan nahay  waxa uu ka digaayey ee uu leeyahay waa ay yimaadeen waa rabitaankiisa shaqsiyadeede Kismaayo dhibaato kama taagna in la iska hormaado waa rabitaankiisa taasna waa uu ku hungoobay baa dhihi karaa”

Muqdisho

Jeneraal Fartaag ayaa isagaoo ka waramaya Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho waxa uu yiri

” Madaafiic ayaa Madaxtooyada lagu weerarayaa irida marka uu marayo qarax baa ka dhacaya jidka Maka al Mukarama maalin walbaa waa uu xiran yahay isaga iyo Airport ka waa kala xiran yihiin mar hadii lafuro marka kalaa la xiraa horta taas hasoo saxan dhihi karaa”

Kismaayo yuusan usoo hanqal taaginee Kismaayo nabad baa ka jirta suu rabay iyo waxa uu sheegayeyna wey noqon weyday barnaamijkii uu sheegayey wax macquul ah waa ay noqon weyday marka xamar ha hagaajiyo anagana Jubooyinka aan soo hagaajino xamar maamul ha u sameeyo oo Soomaali uwada dhan tahay ha u sameeyo, maxaa yeelay 16kii degmo wali waxaa ka shaqeenaya dadkii ka shaqeyn jiray xiligii hogaamiye kooxeedyadii oo ila hada jooga waxba yuusan kismayo usoo hanqal tagine looma yuusan dhihine markii taas loo dhamaadaa tana waaba loo dhan yahaye markaas meel dhexdhexaad ah ayaan isugu imaan doonaa.

Madaxweynayaasha

Mar wax laga waydiiyay Madaxwayne ku Xigeenka Jubbaland Janaraal Cabdulaahi SH Ismaacil Fartaag madaxweynayaasha dhawrka ah ee magaalada ku wada sugan ayaa waxaa uu sheegay in madaxwaynaha xalasha ah ee Jubbaland dadkana rabitaankooda ku yimid uu yahay Axmad madoobe hase ahaate dadka uu ugu yeeray kuwo guryahooda ka gurbaan tumaya waxa uuna raacshay  in colaad laga dhex abaabulo gudaha Magaalada Kismaayo uu Maamulka Jubbaland aysan ogalaan doonin talaabana ay ka qaadi donan sida uu sheegay.

Ciidamada

Jeneraal Fartaag oo ka hadlaya ciidamadamada aadka u tirada badan ee ku sugan magaalooyinka  Kismaayo, Afmadoow, iyo Dhoobley oo dhamaantood kawada tirsan Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa uu yiri.

“Dhamaan ciidamada kusugan magaalada Kismaayo waa ciidamo hoos taga Maamulka Jubbaland isla markaana ka amar qaata sarakiisha ciidamada ee kusugan magaaloyinka dhooblay Kismaayo iyo Afmadaw dhawaana ay rajaynayaan in ciidamo ay u diraan gobolada Gedo, iyo Jubada Dhexe.

Madaxwayne ku Xigeenka ayaa beeniyay in ciidamo beeled ay magaalooyinkaas joogan ama ciidamo Dowladda Fedraalka ka amar qaata oo katirsan waxaana uu sheegay in magaalooyinkaas ay joogan oo kaliya ciidamada maamulka Jubbaland iyo ciidamada Nabad ilaalinta Midawga Africa ee AMISOM gaar ahan kuwa Wadanka Kenya.

Hadalka Madaxwayne ku Xigeenka Jubbaland Janaraal Cabdulaahi SH Ismaacil Fartaag ayaa kusoo aadaya xili lagu wado in dhawaan caleemasaarka Madaxwaynaha Jubbaland Axmad Madoobeay ka dhacdo magaalada Kismaayo taas oo  sida la sheegayo ay kasoo qayb gali doonaan madax ka kala imaan doonta dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

RBC
Kismaayo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles