Gaalkacyo[RBC Radio]Tartankan ayaa socdey muddo kasoo ardeyda ay ku tartamayen maadadda caafimadka,ardadaasi oo ah kuwa wax ka barta machadka waxbarashada iyo caafimaadka ee RPS oo ku yaal magaalada Gaalkacyo.
Munaasabad lugu maamusey kama danbaysta tartanka ayaa lagu qabtay xarunta machadka ee Gaalkacyo taasoo ay ka soo qayb galeen maamulka macadka,ardayda wax ka dhigata macadka iyo marti sharaf lagu casumay.
Kama danbeysta tartanka ayaa waxaa isku arkay fasalada Hormuud iyo Ubaxyada RPS kuwaasoo soo badiyay tartamadii ay la soo galeen fasalada kale ee machadka muddadi tartanku socdey.
Inta an laguda galin tatanka ayaa waxaa hadalo boorin iyo dardan isgujira munaasabada ka soo jediyey madaxa caafimaadka ee RPS Mukhtaar Isxaaq Suudaani kasoo ku dheradey muhimad ay ardeyda ku ledahay barashada caafimadka,sidoo kale ardeyda ayuu dib u xasuusiyey shuruucda lagu hagayo inta uu tartanku socdo.
Tartanka oo sacado socdey ka dib iyo su’aalo isweydin ay iswedaresaden labadi tartamayal ayaa waxaa guusha usuragashey inay raacdo kooxdii matalaysay UBAXYADA RPS iyagona noqtey kooxda hormudka uu ah sanadkan macadka.
Maxamuud Dhooye Maamulaha machadka RPS ayaa soo xiray tartanka hadal uu ujeediyey labadi koox ee tartanka isgu soo harey waxana uu si gar ah u bogaadiyay fasalka guusha ay raacday, isagoo dhanka kalana dhiiri galiyay ardayda laga guulaystay.
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo