Addis ababa(RBC ) Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka urur goboleedka IGAD ayaa walaac ka muujiyey xaaladaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose waxayna ku booriyeen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay hormuud u noqoto shir dib u heshiisiin oo la isugu keenayo kooxaha isaga soo horjeeda gobolada Jubbooyinka kaasoo lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya , iyadoo la dajinayo qorshe nabadeed oo ku aaddan dhismaha maamul ku meel gaar ah iyo qaabeynta maamul goboleed rasmi ah, dowladaha IGAD ayaa kaalin taageero ah ka cayarayaan dhismaha maamulada iyadoona ay hogaamin doonto dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo kulanka kadib warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in warmurtiyeedka horudhaca ah ee kasoo baxay wasiirada arimaha dibadda IGAD uu yahay mid ay ku faraxsan tahay dowladda Soomaaliya waxayna sheegtay in la meelmariyo dalabkii dowladda Federaalka Soomaaliya.
Fowziyo Yuusuf ayaa sheegtay in dowladdu ay IGAD ka dalbatay in dhammaan dhinacyada ku loolamaya maamulka gobolada Jubooyinka la iskugu keeno shir dib u heshiisiin oo lagu xalinayo khilaafaadka iyo kala aragti duwanaanta siyaasiyiinta Jubooyinka,waxayna daboolka ka qaaday in dowladu aysan maamul u dhisi doonin goboladaas balse ay door ka ciyaari doonto isku keenka bulshada Jubooyinka si ay aayahooda uga tashadaan isla markaane ay u dhistaan maamul ay ku mideysan yihiin dadka deegaanadaas ku dhaqan.
Wasiiradda arimaha dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf ayaa sheegtay in shirka wasiirada arimaha dibadda IGAD laga akhriyey warbixin ay soo diyaariyeen gudi xaqiiqo raadin ah oo ka socday IGAd kuwaas oo socdaal ku tagay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.waxayna tilmaantay in caawa la filayo in madaxweynayaasha IGAD ay meelmariyaan warmurtiyeedka ay isku raaceen wasiirada arimaha dibadda urur goboleedka IGAD.
RBC Radio