Addis ababa(RBC ) Wasiirada arimaha dibadda wadamada xubnaha ka ah urugoboleedka IGAD ayaa maanta ku shiraya magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia wasiirada ayaa ka doodaya qodobada ay caawa ka wada hadli doonaan madaxweynayaasha IGAD sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed ahna la taliyaha madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cismaan Cumar “Yariisow”.
Inj. Yariisow ayaa sheegay in waxyaabaha ugu horeeya ee lagu falan qayn doono shirka wasiiradda arimaha dibada dalka IGAD ay ugu horeeyaan arimaha Soomaaliya gaar ahaan waxyaabaha ka qabsoomay go’aanadii kasoo baxay shirkii madaxda IGAD ee dhawaan ka dhacay magaalada Addis ababa.
Afhayeenka madaxtooyada Inj. C/raxmaan Cumar “Yariisow” ayaa ka dhawaajiyey in shirka wasiirada arimaha dibada dalalka IGAD la iskula soo qaadi doono xasilinta iyo hirgalinta hannaanka dhisida maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.
Inj. Yariisow ayaa ugu danbeyntii sheegay in madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa ka qaybgalaya kulan madaxeedka madaxweynayaasha IGAD uu hor dhigi doono waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa iyo horumarka dhanka amniga ee dalka.