Gaalkacyo(RBC Radio) Maamulka Galmudug ayaa soo dhaweeyey joojintii Mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon madaxweynaha maamulka Galmudug CAbdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney wax lagu farxo tallaabadii ay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya uga laabteen Mooshinkii xukuumadda laga keenay.
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in go’aankaasi uu ahaa mid wanaagsan oo u adeegayey rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo ka xumaaday Mooshinkaas oo sida uu sheegay aan ku habooneen marxalada lagu jiro sida uu hadalka u dhigay Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.
Madaxweyne Qaybdiid ayaa ammaanay dadaalada ay dalka ka wado xukuumaddu iyo horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsatay mudadii koobneed ee ay jirtay,wuxuuna carrabka ku dhuftay guulaha ay dowladdu kasoo hoysay arimaha dibadda oo ay ka gaartay guulo la taaban karo sida uu tilmaamay madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug.
Cabdi Qaybdiid ayaa sheegay in maamulkiisu uu taageersan yahay dadaalada ay dowladu dalka ka wado kuwaas oo ay ku dooneyso iney dalka amnigii dib ugu soo celiso,wuxuuna dhanka kale tilmaamay in maamulka Galmudug uu ku hawlan yahay sugida amniga deegaanada uu ka arimiyo.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho