Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Dowladda Federaalka oo sheegtay iney soo gaartay lacag badan oo ka mid ah Yaboohdii shirkii London

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa daboolka ka qaaday in koror dhaqaale uu dalka ku yimid kadib qabsoomidii shirkii arimaha Soomaaliya ee 7-dii May ka dhacay magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska shirkaas oo intii uu socday  lacago fara badan loogu yaboohay dowladda Soomaaliya.

R/wasaare Saacid ayaa sheegay in isbedel dhaqaale oo muuqda uu ku yimi dakhliga dowladda ,wuxuuna tilmaamay iney arintaasi ka danbeysay kadib markii ay dalka soo gaareen lacago badan oo ka mid ahaa lacagihii caalamka uu ku yaboohay shirkii London.

Wuxuuna  tilmaamay in dowladdu ay sugeyso  lacago hor leh oo ka mid ah yaboohii shirka London,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in dakhligaa faraha badan ee dalka soo galay inuu ka muuqan doono guud ahaan gobolada dalka isagoona si gaara u xusay in magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya laga dareemi doono dakhligaasi isla markaane lagu fulin doono mashaariic horumarineed oo la xiriira arimaha bulshada.

‘’Isbuucyadii  ina dhaafay  waxaan helnay dhanka maaliyadda kabid dhaqaale, waxaan arajeyneynaa inaanu kaalmo kale oo maaliyadeed aynu helidoono, kororka dhaqaalaha dalkuna kor ayuu usii kacayaa’’ ayuu yiri R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon.

Dowladda Soomaaliya oo la daalaadhacaysay dhaqaalo xumo baahsan ayaa sheegtay iney ka faa’iideysan doonto lacagaha faraha badan ee dalka soo gaaray,waxayna tilmaameen masuuliyiinta dowladda oo uu ugu horeeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in dhaqaalahaas uu si siman u wada gaari doono degmooyinka kala duwan ee dalka.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20159

Trending Articles