Nairobi(RBC Radio) Tirinta codadka doorashooyinkii dalka Kenya oo si habsami leh uga soconaya wadankaas wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya doorashada Kenya ayaa ku waramaya in tirada codbixinta ilaa hada la tirakoobay uu ku horeeyo Musharaxa Uhuru Kenyatta oo ah R/wasaare ku xigeenka wadanka Kenya , waxaana kada dhow ninka ay sida weyn u loolamayaan ee Raila Odinga R/wasaaraha Kenya kaasoo kaalinta labaad kaga jira kala horeynta codadka doorashadii Kenya.
Codadka La tiriyey ilaa hada ayaa tiradoodu gaareysaa ilaa 4 Milyan oo cod kuwaasoo uu ku horkacayo Uhuru Kenyatta iyadoona ay wali socoto tirinta codadka doorashada,labadan Musharax ayaa si weyn iskaga daba dhow magaalada Nairobi ee Caasimada wadanka Kenya oo la filayey in lagu kala bixi doono oo mid ka mid ah labada Musharax uu heli doono aqlabiyada ayaa meesha ka baxday.
Uhuru Kenyatta iyo Raila Omolo Odinga ayaa codad siman ka helay Caasimada Nairobi iyadoo mid waliba uu helay 50% waxaana marba marka ka danbeysa iska soo dabada dhaca natiijooyinka horu dhaca ah ee kasoo baxaya tirinta codadka doorashada Kenya.
Gudiga doorashooyinka wadanka Kenya ayaa ka digay inaan la baahin natiijo aan rasmi ahayn oo ku saabsan doorashada Kenya waxayna sheegeen in cida keliya ee arintaas awooda u leh uu yahay gudigooda,waxaana la filayaain natiijada ugu danbeysa cidda ku guuleysatay xilka hogaaminta Kenya 5-ta sano ee Soo socota la ogaan doono maalinta Berri ama caawa.
Gobolada ilaa hada aan lagu kala bixin ayaa waxaa kamid ah gobolka Galbeedka halkaas oo aan wali la ogeyn ninka ku gacan sareysa labada Musharax waxaana sidoo kale wali la helin codadka gobolka Bartamaha oo ah halka uu kasoo jeedo Uhuru Kenyatta,Gobolka Fiftifaali oo ahaa goboladii rabshadaha ugu badan ay ka dheceen doorashadii dabayaaqadii 2007 ayaan isne la ogayn halka uu codkiisu ku biiri doono waxaana xusid mudan in gobolkaas doorashadii hore si weyn uu u taageeray Odinga balse markii ay siyaasada ku kala tageen Mdavedi iyo Willium Rutu ayaa waxaa hoos u dhacay taageeradii uu halkaa ku lahaaa.
Beesha caalamka ayaa indha ku wada haya doorashada wadanka Kenya iyadoo si weyn loo xasuusto wixii ka dhacay doorashadii sanadkii 2007 oo uu ku daatay dhiig badan kadib markii lagu murmay natiijada doorshada,labada Musharax ee ugu cad cad doorashada ayaa ballan qaaday iney ku qanci doonaan natiijada kama danbeynta ah ee lasoo saaro,Shacabka Kenyanka guryahooda ku wada sugan kuwaas oo warbaahinta dalkaas kala socda sida ay u socoto tirinto cidadka doorashada dalkaas.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho