Marka(RBC Radio) Maamulka magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose ayaa beeniyey in degmadaas uu ka taagan yahay khilaaf u dhexeeya maamulka cusub ee dhawaan ay dowladu u magacawday degmada Marka iyo maamulkii hore ee xilka laga qaaday ee uu gudoomiyaha ka ahaa Cukaash.
Gudoomiyaha maamulka degmada Marka Maxamed Cismaan Cali Yariisow oo warfidiyeenada la hadlay ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmihii danbe soo baxayey kuwaas oo sheegayey in gudaha magaalada Marka uu ka oogan yahay khilaaf ba’an oo u dhexeeya maamulka xiligan ka arimiya magaaladaas iyo maamulkii hore.
Maxamed Cismaan Cali ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin been abuur isla markaane uusan jirin wax khilaaf ah oo maamulkiisa kala dhexeeya maamulkii hore ee la bedelay,wuxuuna tilmaamay in dadka faafinaya wararkaas beenka abuurka ah ay yihiin dad kasoo horjeeda nabadgalyada magaalada Marka sida uu tilmaamay.
Gudoomiyaha degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay iney jiraan warar badan oo been abuur ah oo sida uu sheegay laga faafiyey magaalada Marka,wuxuuna tilmaamay in qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalidu ay baahiyeen in isagu uu ka badbaaday dil la doonayey in lagu khaarajiyo arinkaas oo uu sheegay iney ahayd been aan sal iyo raadtoone lahayn.
Gudoomiye Maxamed Cismaan Cali Yariisow ayaa xilkaa kala wareegay gudoomiyihii hore ee degmadaas Cukaash oo xilka laga qaaday kadib dagaal dad badani ay ku waxyeeloobeen oo ka dhacay gudaha magaalada Marka kaasoo dhexmaray masuuliyiin ka wada tirsanaa maamulkii magaalada iyo saraakiishii ciidanka ee Marka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho