Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Cabdiraxmaan SH Maxamed Gablax oo ka Waramay Isbadalada Puntland ka Socda (Dhageyso)

$
0
0

Cabdiraxmaan SH Maxamed Gablax

Cabdiraxmaan SH Maxamed Gablax oo RBC wareysi siiyay ayaa waxa uu uga waramay arimo ay kamid yihiin Dastuurka Puntland, Nidaamka Xisbiyada badan, & Nabadgalyada.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Maxaad ku diidan tahay Dastuurka Cusub Puntland iyo Halka sano ee Xukuumada?

Mudane Cabdiraxmaan SH Maxamed ayaa isaga oo ka warbixinaya diidmada xukuumada Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Faroole ay salka ku heyso musuqmaasuq hareeyey Dowlada Puntland.

“Waxaan u taagnay waxa ay aheyd in bulshadaan dibudhacsan, musuqmaasuqa lagala dagaalamo… taas ayey arintu aheyd’ Mudane Gablax isaga oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yiri. Mar walba waxaan leeyahay  system cadaalad ah oo shaqo abuuri kara, oo ganacsatadii iyo dadka maalqabeenkii keeni kara in aan abuurno dadaalkeed ayaan ilaa hada ku jirnaa, marka intii aanu ku jirnay dadaalkaas”

Dastuurka Puntland

Dastuurka ayuu Gablax ku tilmaamay mid aan ka tarjumineynin baahiyaha dalka ka taagan isla marahaantaasna aan wax wanaag ah uusan keeneyn laaluushna lagu meel mariyey.

“Baahida dadka wadanka ku dhaqan iyo dalka ka tarjumi maayo waxeyna noola ekaatay mid lasii socodsiinayo maamul xumadii, cadaalad xumadii, iyo qaab xumadii wadanka ka jirtay oo aan bulshada wadankaan ku dhaqan aysan uga gudbeyn dhibaatada shaqo xumo iyo maamul xumo ku dhacday oo maanta ognahay waamada qaarkoodna qarnigii 21naad bey nool yihiin oo dhaqankoodu waafaqsan yahay anaga waxaan mareynaa qarnigii 16naad neeshii la maraayey”

Gablax waxa uu nasiibdaro ku tilmaamay madax uusan carabaabin oo kamid aheyd Dowladii KMG aheyd ee markaas jirtay ay taageereen ansixinta dastuurka.

“Waxaa nasiib daro aheyd oo aan aad iyo aad ula yaabnay rag ka tirsan fedraalka oo  markaas joogay oo Gobolkaan kasoo jeeday ay dhinicii maamulka raaceen oo ay taageereen, oo ay lasafteen qaabkii markssa socday oo aheyn qaab furfuran oo aheyd mid xoog ku jiro, musuqmaasuq ku jiro, laaluush ku jiro, dadkii meel lagu xiranayo, dadkii la celinayo, Garoowe dadkii laga celinayo inyar oo lasoo xushay oo wax isla waafaqsaneyd mooyiye marxalad adag oo nasoo martay ayey aheyd”.

Ujeedka Gablax maxey aheyd?

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Cabdiraxmaan SH Maxamed Gablax oo ka jawaabaya ujeedadiisa siyaasadeed waxa ay aheyd waxa uu yiri.

“Aniga ujeedadeyda waxa aheyd in dalkaan laga  dhiso system habeysan oo gaarsiiya nidaam dhisan oo xisbinimo, horumar ay ku istaagi karaan qaabkii aan arkahayey waxa uu ahaa in bal horta dalkankan isimadii gole loo dhiso” Gablax oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yiri.

“Isimada waan ognahay maalintii ay wax dhacaan ama wax xumaadaan ama maalintii wax la dhisahayo ayo abuuritaankii Puntland intaba Isimada ayey kasoo jeeday dowrkoodii oo muuqda in la diyaaqriyo markaas ka bacdi…. markii iyagii la heli karo oo xafiisyo lagala soo xiriiro ay leeyihiin oo gole ay ku shiraan leeyihiin oo martidooda loo sooro oo maamulka qeyb ka qaato maamuuskooda oo loo sameeyo gacanyaraal la kala shaqeeya dadka diiwaan galinteeda sidaasna dadka lagu diiwaan galiyo oo markaas dad aqoonsi loogu sameeyo”

Xisbiyada Puntland laga sameyey side baad u aragtaa?

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Cabdiraxmaan SH Maxamed Gablax ayaa xisbiyada Puntland laga sameeyey ay tahay qaab la rabo in talada dalka lagu sii nagaado.

“ Xisbiyada Puntland waa mid mid wax lagu marooqsanayo, wax lagu khiyaanayo, musuqmaasuqa dilooday wadankan oo uu warshado u dhisan waayey, oo wadooyin u dhisan waayey , oo uu dhaqaale dhisan waayey ganacsigii loo xoojin waayey, shirkadaha tartamahaya oo isburburinaya oo midii wax yar oo natiijo ah gaarto mid kale burburineyso in lakala badbaadiyo nidaam xumada wadankaan dilootay qeyb kamid ah weeye xisbiyada waagii dhaweyd lagu dhawaaqay maxaayeelay waxey ku istaagi lahaayeen oo xisbi ku horgali lahaa iyo sharcigii midna ma qoondeesna”.

Gablax waxa uu ku tilaamaamay madaxda xisbiyada Puntland in laftooda ay musuqmaasuqa qeyb ka mid ah noqdeen.

“Dadka Xisbiyada Puntland uga dhawaaqay oo xisbiyada sameystay waxasan u aragnaa in musuqmaasuqii maamulka ku jiray mid kasii xun ay gacmaha la galeen maxaa yeelay xisbi gaan lagu dhawaaqay gole dhexe waa in uu leeyahay oo doorasho sameeyo oo dadkoo dhami u dhaxeeyo oo qofkaas doorta waa in uu leeyahaay qofkii aan sidaas ku imaamin oo dhaha xisbi baan hogaaminayaa waa un qof sheegaya war aan jirin”

“Xisbi wadankaan ma gaarsiisna, dadkii ma diinwaan gashna , golihii isimada ma dhisna, cid laga amar qaato oo wax fulin kartaa ma jirto waxaan leeyahay xisbiga intii horey figradiisa u laheyd waa khaldameen intii ku raacdayna waa ay kasii daba khaldameen”.

Maxaa ku Baaqeysaa?

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Cabdiraxmaan SH Maxamed Gablax ayaa waxa uu ku taliyey in dadka la diiwaan galiyo gole isimo la dhiso.

“Waxaan ku baaqayaa intii labadii sano ee lasoo dhaafay aan ku baaqayey oo ah dalkayaga aan u aragno mid aan ka maarmeynin, aan dhisano,  aan hagaagsano, warshadihii aan dhisano, ganasiga hala habeeyo, shirkadaha jira yaan lagu dumunin kuwo kale, dadka la diiwaan gasho, waxaas oo dhan waxa ay ku imaan karahayaan in golihii isimadana la dhiso talaabo ka horeysa anigu ma aan arko,  dadka la diiwaan galiyo”

“Doorashadii waqtigeeda laga boobay waa in ay dhacdaa oo ay ku dhacdaa xili loogu tala galay  66 kii /Raxmaan isaga lagu doortay waxaan aheyn  waa in uusan meesha keenin  66kii waa in ay timaadaa hadii uu tagayo iyada ku tagaa hadii lagu dooranayana iyada lagu doortaa” ayuu yiri Gablax Cabdiraxmaan SH Maxamed

Gablax ayaa ugu danbeyntii wareysiga ku sheegay in la iska hilmaamo xisbiyada waqtigaan Puntland laga wado.

“Xisbiyadaan iyo waxa kana in la iska halmaamo weeye dadka lagu qasbahayo oo baroonada loogu soo kaxeysanahayo, oo xooga lagu hirgalinayo waxaas wax shaqeynahayo maahan

“Waxaan dhamaan ciidamada iyo inti kaloo awood lihi ku boorinayaa in wadanka wax fowdo ah aysan ka dhicin maamulka C/Raxmaan sharcidaruu ku joogaa  in isimada ay shiraan shirkoodana ay kasoo saaraan baaq oo ah in hada doorasho ay dhacdo oo 66 kii xildhibaan ku dhacdo doorasho la galo oo dowlad sharci ah soo baxdo taas waa mid”

“Hadaan taas la yeeleynin in sanadkaan uu madaxweynaha isku dhajinayo oo uu xoogay oo anagana isaga deynay oo dalka dagaalka u diidnay isaga u sharciyeeyaan ee doorashada xiligeedii ay ku dhacdo” ayuu yiri mudane Gablax.

RBC
Minneapolis

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles