Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Mid kamid ah Nabadoonada gobolka Bari Oo Dhaliilay Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye [Daawo]

$
0
0

 

Nabadoon Abshir Dhagcas

Boosaaso[RBC Radio] Nabadoon Abshir Dhagcas oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ee gobolka Bari ayaa maanta si weyn u dhaliilay Odayaasha Beelaha Hawiye.

Nabadoon Abshir Dhagcas oo maanta khudbad ka jeediyey Munaasabad lagu taageerayey Maamul-goboleedka Jubbaland ayaa si kulul u dhaliilay Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ineysan dooneyn in Nabad ka Islaaxdo Kismaayo.

Waxa uu sheegay in Dawladda Soomaaliya ee hadda jirta aysan dhisan Odayaasha Hawiye balse loo dhisay loogana baahanyahay iney Calfadaan dawladda jirta isla markaana Is Xisaabiyaan Odayashu.

…”"” Nimanka ku hadlaya magaca Beelaha Hawiye oo ka hadlaya meesha la yiraahdo Kismaayo,Puntland,Dawladda Soomaaliya war maad iska Calaftaan dawladbaa la idin dhisay idinku madhisane”maad iska Calfataan….”"”ayuu yiri.

Hantida Shacabka.

Wuxuu Intaas ku daray …“”" Maku Xisaabtanteen in dad gurigiis iyo Beertiisii iyo hantidiisii iyo Baabuurkiisii aad haysataan horta maad Is Xisaabtaan waxaad sameyseen,boogihii la idin kaga Yimid iney dadka ku taal,waa idinka leh intaa Beelaha Hawiye”Beelaha Hawiye…”"ayuu Yiri Nabadoon Dhagcas.

Puntland Baa dhistay Dawladda Soomaaliya!!

Dawladda Puntland ayuu Nabadoonku ku amaanay sida ay ugu qeybqaadatay dhisitaanka Dawladda Soomaaliya,waxaana uu Odayaasha dhaqanka ee Hawiye ayuu sheegay in ay Ogaadaan in Puntland ay dhistay Dawladda Soomaaliya iyada la’aanteedna aysanba dhisanteen.

…”"” Dawladda Soomaaliya ee dhisan Puntland baa dhistay ama shishe ha idin kaga dhacdo ama hore ha idin kaga dhacdo Puntland baa dhistay waligeedna ma dhisanteen haddaan Puntland dhisin heerka maanta aad ku Joogtaan oo Xasan Shiikh ku Hoggaaminayo oo Saacid Raysalwasaaraha u yahay oo Baarlamaanka ka jiro waad Ogtihiin doorka laga soo qaatay mar wa weydaan Xisaabtameyn….”"”"ayuu yiri Nabadoon Dhagcas.

Gabagabadii ayaa Nabadoon Abshir Dhagcas ka sheekeeyey Marxaladihii kala duwanaa ee lagu soo dhisay dawladihii soo maray dalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay isagoo Odayaasha dhaqanka Hawiye la hadlaayey sidan.

…”"” Dawlad baan idin dhisnay,Garoowaad noogu timaadeen waan idin ku dhisnay,mar labaad baad Garoowe noogu timaadeen waan idinku soo dhaweynay mar Saddexdaad baan Gaalkacyo idin geynay waan idin ku soo dhaweynay war meydaan ninman abaal guda ahayn haddaad waxaad leedihiin Beelaha Hawiye”Beelaha Hawiye….”"”ayuu yiri..

___________________________

Cismaan Turaabi

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles