Muqdisho(RBC Radio) Siyaasiga caanka ah ee C/laahi Axmed Cadow oo tiro 3 jeer ah isu soo taagay qabashada xilka madaxtinimo ee dalka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ku tallaabsatay guulo la taaban karo mudadii 4ta bilood ahayd ee ay jirtay wuxuuna qiray iney jiraan arimo fara badan oo horyaala dowlada kuwaas oo u baahan wax ka qabasho.
C/laahi Axmed Cadow ayaa shaaca ka qaaday inuu la shaqayn doono dowlada cusub ee Soomaaliya wuxuuna ballan qaaday inuu dowlada garab taagan yahay wuxuuna tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay horu maro ka samaysay dhinacyada amaanka dalka iyo xiriirka caalamiga ah ee ay la leedahay wadamada kale ee caalamka.
Siyaasiga C/laaahi Axmed Cadow ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney garab istaagaan dowlada Soomaaliya isla markaane ay si dhow ula shaqeeyaan madaxda dalka wuxuuna sheegay ineysan kaligood wax qaban karin hadii aysan helin taageerada shacabka Soomaaliyeed,isagoona umada Soomaaliyeed ugu yeeray iney ka wada shaqeeyaan sidoo loosoo celin lahaa sharaftii Soomaalida ee luntay kadib markii Soomaaliya ay noqotay goob looga tusaale qaato arin walba oo aan wanaagsaneen.
Cadow ayaa dhanka kale sheegay inuusan mar danbe isku soo taagi doonin qabashada xilka madaxtinimo ee dalka Soomaaliya oo uu 3 jeer isu soo sharax wuxuuna sidoo kale ku nuuxnuuxsaday inuusan dalka dibadda uga bixi doonin isla markaane uu intii karaankiisa al la shaqaynayo madaxda dalka ee xiligan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho