Muqdisho(RBC Radio) Munaasabad Ballaaran oo ay xilalka kula kala wareegayaan saraakiishii hore ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo saraakiil cusub oo loo magacaabay xilakii ay hayeen oo hadda si toos ah uga socota magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya saraakiisha xilka laga qaaday ayaa kala ah Jen. C/qaadir Sh Cali Diini Taliyihii ciidamada Xooga iyo Jen.C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan Abaanduulihii ciidamada xoogga dalka.
Taliyaha cusub ee ciimada xoogga dalka Soomaaliya ee cusub ayaa waxaa loo magacaabay Jen. Daahir Aadan Cilmi iyadoona abaaduulaha ciidanka xooga dalka loo magacaabay C/risaaq Khaliif Cilmi munaasabada xil wareejinta ayaa hada ka socota xarunta wasaarada gaashaandhiga dowlada Soomaaliya ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Amniga wasaarada gaashaandhiga iyo xaafadaha ka agdhow ayaa si aad ah loo adkeeyey waxaana hada socda qudbado ay munaasabada ka jeedinayaan masuuliyiinta dowlada ee ku sugan xarunta gaashaandhiga,magacaabista saraakiihsan cusub ayey ku micneeyeen masuuliyiinta dowlada Soomaaliya iney qayb ka tahay isbedelka iyo dardarta cusub ee la doonayo in lagu sameeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
C/kariin Aadan Dhegabadan iyo C/qaadir Sh Cali oo ahaa saraakiishii xilka qaadista lagu sameeyey ayaa lagu wadaan in saacadaha soo aaddan munaasabad weyn oo lagu sagootinayo loogu qabto xarunta looga arimiyo dalka Soomaaliya ee madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed ee Villa Soomaaliya taasoo uu ka qayb gali doono madaxweynaha umada Soomaaliyeed Xasan Sh Max’uud.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho